Xildhibaan si Adag uga Jawaabay Hadal Ka soo Yeedhay Madaxweynaha Garoowe

0
607

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid ah Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamul goboleedcka Soomaaliya ee Punland Siciid Cabdilaahi Daney.

Khadar Xuseen Sahal oo qaar ka mida Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan Deegaanka bariga Gobalka Sanaag ay ka mid yihiin dadkii udub dhexaadka u ahaa Madaxbanaanida iyo dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland. waxaana uu intaasi ku daray in Deegaanada bariga Sanaag aanay sheegan karin Maamulka Punland.

Khadar Xuseen Sahal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidh “Maamulka Punland ee ka tirsan Soomaaliya oo markay Somaliland wax qabsataba u hadla sidii Maamul madaxbanaan, waxa aan u sheegayaa Madaxweaynaha Maamulka Punland Sanaag bari waa Somaliland ilaa 1991 kii markii lala soo noqday Madaxbanaanida Qaranka Somaliland dadkii Aasaaska u ahaa ee udub dhexaadka u ahaa Somaliland ayay ka mid ahaayeen dadka Bariga Gobalka Sanaag, maanta isagoo Sagaal bilood haystay Punland Danay in uu yidhaahdo bariga Sanaag ayaan gacanta ku dhigayaa waa wax aan soconayn.

Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “Maamul goboleedka yare e Puntland, dhibaato ka abuuri mayso  Somaliland iyo Deegaanadaa bariga Sanaag, deeganadaasi waa Somaliland, dadka dagan waa Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waa madaxweyne nabadeeed oo doonaya in wadahadal lagu dhameeyo wixii la tabanayo,waxaana aan usoo jeedinayaa Mdaxweynaha Maamulka Punland ee Soomaaliya in uu ka waantoobo hadalada ka soo yeedhaya iyo farogalintaa ay ku hayaan Xuduudaha dalka Somaliland”.

Leave a Reply