Xukuumadda oo Sagootitay 450 Arday oo Deeq waxbarasho ka Helay Itoobiya

0
388

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa munaasibad sagootin ah u sameeyey 450 Arday oo deeq waxbarasho loogu diray dalka Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa ardeydaasi u jeediyay hadal dardaaran iyo wacyigel an oo ku wajahan safarka waxbarasho ee ay u bixi doonaan.

Xafladan oo ka dhacday hoolka Shirarka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, ayaa waxa khudbado uga jeediyey ardayda masuuliyiinta sare sare iyo madaxda laamaha kala duwan ee wasaaraddaasi, kuwaasoo kula dardaarmay ardayda in ay fursaddan waxbarasho ee ay heleen ka soo faa’idaystaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska mudane Cismaan Jaamac Aadan ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu suurageliyay deeqdan waxbarasho ee ay helleen ardayda loo dirayo dalka Itoobiya waxaanu yidhi “Tacliinta lacag la’aanta ah ee maanta halkan aad isugu soo urrurteen waxaa suurtageliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, fikradiisa madaxweyne-nimo ee uu ka qabo waxbarashada iyo sida uu u doonayo in wadankani xaga aqoonta hore uga kaco, ayay ka mid tahay 500 iyo 450 iyo 70 kale, shan boqol iyo dheeraad arday in sanadkan maanta ah loo diro Itoobiya, oo ay wax soo bartaan, lagana bixiyo noolkii ay ku tagi lahaayeen dalkaasi, lana soo dhaweeyo si cadaalada loogu qaybiyo gobolada dalka, oo intii aan hore u tagi jirin la siiyo waxaa weeyaan fikradda madaxweynaha iyo dawladdiisa, aad iyo aad ayuu madaxweynuhu u mahadsan yahay wasaaraddana waa uu ku garab taagan yahay, ficilada ay sameyneso ee ay taasi ka mid tahay ee isagu uu gadhwadeenka noogu yahay, waxbarashada waala tayeynayaa, dadka muwaadiniinta ah ee dalka jooga ayaa loo simayaa, qof si gaara oo dheeradda wax loogu qabanayaa majiro, waxaa la doonayaa inaad garataan faa’iidada uu leeyadahay waxbarashada bilaashka ah ee aad hesheen, qof walowba halkaad is dhigto uunbaad aduunyada ku leedahay, hadii aad aad wax-u-baratana wax ku celinayaa ma jiro, hadii aad khasaarisana adna waad is khasaarisay uun wadankana waad khasaarisay.

Dhaqane kala duwan ayaad u tageysaan oo qudheeda Itoobiya dhaqanadeedu waa ay kala duwan yihiin, waxaad ugu tageysaan dawladdo kale oo ardaydeedu joogaan waana fursado kale oo aad ku baraneysaan umadda kale oo aad ku baraneysaan dhaqankooda, iyo macamiladooda, iyo sida ay yihiin aad ku baraneysaan, oo ardayga Hargeysa jaamacada ku jira aanu heysanin weeyaan”

 

Leave a Reply