“Xisbiga Waan Ku Jirayaa Haddana Waan Caayayaa Damiiraygu Isiin Maayo”

0
413

Qor Khdar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xaamud oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo uu ku naqdiyay Xukuumadda.

Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay Wanaagsantahay xaalada Bariga Gobalka Sanaag, waxaana uu intaasi ku daray in loo baahanyahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira gobalkaas.

Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Runtii iminka way iska Wanaagsantahay Xaalada Gobalka Sanaag, gaar ahaan Bariga Sanaag, laakiin in Siyaasad cad laga yeesho Sanaag Bari oo wixii qabyo ah sidii loo dhamaystiri lahaa in Xukuumaddu awoodda saarto weeye, dhibaatooyinka ka jira guud ahaan Gobalka Sanaag, waxaana aan soo jeedinayaa in xoooga la saaro sidii loo hagaajin lahaa”.

Sidoo kale Xildhibaabnka ayaa waxa uu ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas. waxaana uu yidhi“ Xildhibaan Bulqaas oo aanu isku gole nahay, in baddana aanu soo wada shaqaynay, Safarkii Madaxweynuhu ku tagay Gobalada bariga Sanaag anigaa soo dhameeyay, markaa wuxuu doono in uu ka hadlo maaha Xildhibaan Bulqaas. Markaa Xisbi aan ku jiro anigu ma aflagaadaynayo ee marka hore waa inaan bannaanka uga baxo. laakiin Xisbigii waan ku jirayaa, haddana waan caayayaa aniga damiirkaygu isiin maayo ,ee waxa aan Xildhibaan Buqaas leeyahay, haddii aad doonayso inaad Xisbiga KULMIYE wax ka sheegto marka hore ka bax. Waxa aad ka hadlaysana in aad ka fiirsato ayaa Wanaagsan”.

 

 

 

Leave a Reply