Taliyihii Ciidamadda Booliska Somaliland oo Geeriyooday

0
591

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Bulshada ka Tacsiyadeeyay Geerida ku timid Taliyaha ciidamada Booliska

Hargaysa (Dawan)- Taliyihii ciidamadda booliska Jamhuuriyadda Somaliland ALLE ha u naxariistee sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa xalay ku geeriyooday cusbitaalka Hargeysa International ee magaaladda Hargaysa.

Sida uu xaqiijiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo xalay geeridda taliyaha kadib warbaahinta kula hadlay cusbitaalka Hargeysa International oo laga qaadayay maydka marxuumka.

Wasiirku waxa uu shaaciyay in marxuumka maanta lagu aasi doono qubuuraha Masalaha ee Koonfurta magaaladda Hargaysa.

Iyadoo maydka marxuumka salaadda Janaa’isadda lagaga tukan doono masaajidka uu imaamka ka yahay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, oo ku yaalla isla Koonfurta Hargaysa.

ALLE ha u naxariistee taliye Cabdilaahi Fadal, ayaa mudooyinkanba u jiifay xanuun haleelay, iyadoo dhawaan xaalad caafimaad dalka dibadiisa loogu qaaday.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlayay geeridda taliyihii booliska, waxa uu yidhi “Waxaa cusbitaalka  Hargeisa International ku geeriyooday caawa (xalay)  fiidkii taliyihii guud ee ciidamada booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan. Illaahay ha u naxariisto, Illaahay jannadii Fardowsa ha ka waraabiyo.

Waxaan ka tacsiyadaynaa dhammaan qaranka jamhuuriyada Somaliland, oo uu ugu horreeyo madaxweynaha qaranka, golaha wasiirrada, ciidamada booliska Somaliland ee uu muddada dheer taliyaha u ahaa. Dhammaan waan ka tacsiyadaynayaa, waxaanan leeyahay Illaahay Jannadiisa Fardowsa ha ka waraabiyo”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Cabdillaahi Fadal, waxa uu ahaa oo aynu ku xasuusanaynaa raggii qarankan wax ka soo dhisay, ciidamada booliska bud-dhigga u ahaa ee wax ka soo dhisay. Xilal badan oo kala duwan-na ka soo qabtay illaa iyo maanta oo uu ahaa taliyaha ciidanka booliska.

Waxaa berri (maanta) lagu aasayaa xabaalaha Massalaha,  oo aan ku wargelinayaa bulshadda reer Somaliland. Waxaana duhurnimadda salaadda Janaa’isadda lagaga tukan doonaa Masaajidka Sheekh Mustafe” ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal tacsi ah u diray ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo dhammaan bulshada reer Somaliland.

Dhambaalka Tacsida ah ee madaxweynaha Somaliland na waxay u dhignayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas. Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

 

Leave a Reply