Naafadu waa Caqliga Maaha Jasadka !

0
423

Huing Juing oo ah 47 jir u dhashay dalka Shiinaha ayaa si farsamaysan ugu shaqaysta lugihiisa iyo afkiisa isagoo ku sameeya qoraalo iyo farshaxan kala duwan. Ninkan oo aan gacmo lahayn ayaa isagoo 4 sano keliya jiray waayay labadiisa gacmood ka dib markii ay koronto qabsatay. Huing ayaa ahaa qof aad u xiiseeya sawirada xiligii uu yaraa isla markaana ku hamiyi jiray inuu noqdo farshaxan dhinaca sawirada, waxase markasta hakin jiray gacmo la’aantiisa.

Ugu danbaystiina wuxu  go’aansaday inuu lugihiisa iyo afkiisa ku tababarto sida uu qalinka ugu qabsado, taasi oo si fiican ugu hirgashay.

Markii ay aragtay dadaalka Juing Hay’ada naafada kaalmaysa ee dalka Shiinaha ayaa cadaysay in loo baahan yahay in Naafadu ay dadaal iyo maskax la timaado iyadoo ay tayni muujinayso in qofka kastaa wax qaban karo si kasta oo uu naafo u yahay haddii aanu Maskaxda naafo ka ahayn. Juing ayaa sheegay inuu farsamada hawshan markii u baranayay kala kulmay dhib badan laakiin uu sabir badan u la yimi.

Leave a Reply