Xildhibaan Boogaadiyay Heshiiskii ay Wada Gaadheen Beelaha Ceelafwayn

0
641

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ayaa Boogaadiyay Heshiiskii ay kala Saxeexdeen ee lagu soo afjaray Coolaadii dhex martay labada Beelood ee Walaalaha ah ee Deegaanka Ceelafwayn oo ka tirsan Gobalka Sanaag.

Cumar Nuur Xasan Waaye oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu sheegay in heshiiskaasi ay ay wada gaadheen dadweynaha ku dhaqan Deegaanka Ceelafwayn uu yahay tallaabo Qaranka u dan ah, waxaana uu intaasi ku daray in ay yihiin dad aan kala maarnmayn oo wada dhashay.

Cumar Nuur Xasan oo Arimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan hambalyo uga diraynaa Dhawaaqa Wanaagsan ee ka soo yeedhay dadweynaha Deegaanka Ceelafwayn iyo Dararwayne ee shalay ku dhawaaqay in ay heshiis gaadheen, joojiyaana dagaalka afarta Sannadood ka socday Degaanadaas oo isku soo celiyaan dadkii kala qaxay, haddii aad garateen in aad joojisaan dilkaa soconayay waa tallaabo Qaranka u dan ah oo Somaliland u dan ah, waana ku mahadsantihiin.”

Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “Waxaan rajaynayaa in aad dhamaystirataan wixii idinka dhiman, dad wada dhashay ayaa tihiin, mana kala maarmaysaan, isku mid ayaana tihiin, dalkan meel kasta dhibta ka jirta in sidaas oo kale loogu daydo oo Wadahadal lagu dhamaysto wax kasta ayaa u dana dalka”.

Leave a Reply