Laba Qodob oo Dr Gaboose Ka Hadlay iyo Laba Dhacdo oo Lagu Xasuustay

0
31

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha guddaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Gaboose) ayaa dorraad shir jaraa’id qabtay. Waxaana uu ka hadlay nuxur ahaan laba arrimood oo kala ah. 1. Xukuumadda oo uu ku tilmaamay Koox Jeegaamaysan oo aan talo qaadan, islamarkaana tabashooyin beellaysan oo jira aan waxba ka qaban.

  1. Taliska ciidamada Qaranka oo uu ku eedeeyay kala irdhayn.

Labaddan arrimood, waxaa ay Qallinka xasuusiyeen laba dhacdo oo toban sannadood u dhaxaysay. Waa shirweynihii 1997-kii iyo 2007 dii.

Haddii aan ku horayno, tan danbe, Bishii April 17, 2007, waxaa magaallada Hargeysa lagu qabtay Munaasibad ay ku kulmeen siyaasiyiin kala afkaar duwan oo magac iyo maamuusba ku leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibaddaasi waxaa ay ahayd mid loogu dabaal degayay sannad guurada koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii Wargeyska Geeska Afrika. Waxaana laga jeediyay madasha khudbado isu roggay dood sharci. Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo waqtigaas ahaa Guddoomiyaha Urur siyaasadeedkii Qaran ee sharciyaddiisa la isku hayay ayaa bilaabay dooda, waxaa uu yidhi. “Waxaanu ku dhawaaqnay taariikhdu markay ahayd 05/04/2007, Ururka Nabad iyo Horumarinta Somailland (Qaran) oo hadda maraya marxalada unug si abaabul bulsho ee siyaasadeed, ururkaas oo mideeya fikirkayaga siyaasadeed ee ku wajahan horumarka dalka ee dhinacyada siyaasdeed, dhaqaale iyo bulsho, kaasoo aanu kaga aragti duwanahay xisbiyada maanta dalka ka jira.”

Dr. Gaboose Maadaama oo uu dareensanaa in aan sharciyan la isku waafaqin, oo gaar ahaan Xisbiga UDUB iyo dad badan oo kale u arkaan hawsha uu wadaa inay tahay is abaabul qarda-jeex ah oo laga barbar bilaabay saddexda Xisbi Qaran, waxaa uu akhriyay qodobo uu ugu qiil dayay ururkiisaas.

Laakiin, Md. Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii u horreeyay ee Somaliland, islamarkaana aan ku jirin isagu Xisbiyadda is eryanayay, dawladda iyo ururka la wado midna waqtigaas ayaa dooda Dr. Gaboose Indho Garsoor ku eegay waxaana ka mid ahaa haddalkiisii oo uu marka hore maamulkii jiray kulla taliyay inay Is dhawraan haddii nasiib keenay. Waxaana uu intaas ku daray isaga oo dooda sharci arragtidiisa ka dhiibanaya. “Distoorkeenu ururna wuu ka hadlayaa xisbina wuu ka hadlayaa. Marka labada meelood laga hadlayo waa in la wada akhriyaa, wixii ka dhashay xeerarka uu ka dhex yimidna waa in la isku raacaa. Haddii Maroodiga Foolkiisa aad taabato oo aad tidhaahdo Maroodigii waa fool uun, dee wixii maad garan ee waa inaad isku wada qaadaa. Waxaad moodaa Distoorkeenu inuu ururkana ogolaanayo xisbiyadana diidayo inay saddexdaas ka bataan. “

Dad badan oo kale, ayaa Wakhtigaas sidoo kale madashaa ugu jawaabay Gaboose oo uu ku jirro Madaxweyne ku xigeenkii hore Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka mid ahaan jiray Golaha Wakiillada, Waxaase aynu u soo qaadanay, marka uu Jeeggaan iyo Beello ka hadlayo Dr. Gaboose inaga oo Ixtiraamaya, Xaaji Foolka Maroodiga oo kali ah ha taaban.

Ta labaad, waxaa aynu ku xusaynaa, waqtiyadii uu socday shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland oo Hargeysa ugu qabsoomay sannadkii 1997-kii ee Ale ha u naxariisto’e, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal dib loogu doortay hoggaaminta dalka ayaa Dr. Gaboose waxaa uu eed u jeediyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, Oday Siilaanyo waxaa uu dabadeed, isaga oo yaaban Bixiyay hal-hays Caan noqday oo ahaa in Gaboose eediisu tahay ‘Wanjal Mudugaysan’.

Hadda, qodobka labaad ee Gaboose ku naqdiyay Jawaab fasilaad ahayd oo Taliyaha ciidanka Qaranku ka bixiyay su’aal ka dhalatay koox maleeshiyo beeleed ahayd oo bariga Sanaag joogtay, kana fakatay ciidamada oo la doonayay in liiskooda rasmiga ah ay gallaan. waxaa ay u muuqan kartaa Wanjal Mudugaysan. Haddaanay sidaas ahayn, ma waxaa aynu nidhaa Dhaktarku Urur cusub ayuu abaabulkiisa waddaa,? Mise Xaalku waa xisbiga Waddani gilgil.?

Ta kale, qof walba raadkiisa ayaa talooyinkiisu wanaag iyo xumaan midka ay leeyihiin laga dheehdaa, sidaas darteed, waxaa aynu gabagabadii millicsannaynaa mar kale inta Dr Gaboose dedaalay ee Urur siyaasadeed abaabullay iyo halka ay ku danbeeyeen, maadaama uu haddalkiisan ugu danbeeyay tallo ugu soo jeediyay Xukuumadda Muuse Biixi. Bilowgii Axsaabta, waxaa Gaboose uu niman culimo ah la sameeyay urur la yidhaahdo Xisbul-Islaam.

Way Is qabteen culimadii ka dib wuxuu ku biiray ururkii SAHAN. xubnihii SAHAN na waa ay iska horyimaadeen oo madaxweynaha waqtigani ku jiray, waana looga dareeray dagaal culus ka dib. Sidoo kale wuxuu la dagaalamay UDUB. Markii SAHAN soo bixi waayay maadaama uu ku kaliyaystay oo laga waayay tallo wadaagga uu ku talinayo hadda, wuxuu goostay in uu ku biiro UDUB tii uu la dagaalamayay. Wuxuu Daahir Rayaale siiyay taageero iyo ammaan xad dhaaf ah, Kulmiyana wuxuu kala hor yimid dagaal aan xeerin lahayn.

Markii Rayaale guuleystay wax xil ah kuma magacaabin, malaha Madaxweynuhu waxaa uu xasuusnaa markii uu Madaxweyne ku xigeenka ahaa ee Marxuum Cigaal ka dhigay Dr. Gaboose Wasiirka Arrimaha Guddaha, islamarkaana wax qabadkiisii noqday “Waxaan dalka ka mastaafuriyey Cabdiraxmaan Tuur iyo Xassan Wadaad-diid” sida uu qoray Saleebaan Faarax.

Waagaas, Dr. Gaboose 4 bilood oo qudha ayuu hayey Xilkii Wasaarrada Daakhiliga markii uu dhaqankiisii kula shaqayn kari waayey, dabadeed ayuu marxuum Cigaal xilkii ka eryay.

Markan danbe, markii uu ku hungoobay Xukuumaddii Rayaale, Wuxuu abuuray ururkii muranka sharci ka oogmay ee QARAN. Xadhig ayuu ku mutayastay, mudadii uu xidhnaa waxa u hiiliyey Kulmiye iyo Siilaanyo, waana la soo daayay, 2009 wuxuu ku biiray Kulmiye Madaxweyne Siilaanyo markii uu guulaystay wuxuu u magacaabay Wasiirka daakhiliga. Markaas oo uu waqti kooban joogayna waxaa dhacday fadeexadii ugu weynayd ee Somaliland soo marta, waxaana Xeebaha galbeed ka soo degay Maleeshiyaad doommo ku socda oo ONLF ahaa oo ka soo shiraacday dhinaca Eretariya.

Inyar dabadeed waa uu is casilay. Waxaanu abuuray haddana, Ururka UMMADDA si uu gabood siyaasadeed uga dhigto Xiligan la qabtay Shirweynihii ururka Ummadda waa mar kale iyo kaligii mana hano-qaadin oo tallo wadaag la’aan ayaa uu u haggaasay ururkii Sadexaad ee uu abaabulay.

Markaa, waxaa Qallinku leeyahay Xaaji Gaboose talladda in la qaataa ma xumma’e. balse, liiska isku xus oo ku darso qorshaha in aad qudhaadu u baahan tahay tallo wadaag.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here