Sinjiyada kala Duwan ee Kalluunka Meelaha Qabawga ah laga Helo

0
36

Kalluunka meelaha qabowga ah laga helo ee weyn waxaa uu dhalaa ukumo dhawr jeer inta lagu guda jiro xilliga uu ukunta siideynayo, oo ah la qabsashada kordhinaysa jaaniska ugu yaraan in ukumaha qaar ay ku dillaacaan xaaladda deegaanka saxda ah.

Kalluunka meelaha qabowga ah laga helo waxaa uu leeyahay dabeecad tarmid gaar ah, oo inta lagu guda jiro labka waxay shukaansadaan dheddiga iyaga oo sameynaya dhaqdhaqaaq, iyada oo kor u dabaalanaya ka dibna ku sameynaya wareegyo dusha.

Dheddigu waxay xulanayaan rafiiq ka dib dhawr jeer oo ay wada ciyaareen, Kalluunka meelaha qabowga ah laga helo waxaa uu dhallaa ukumo badan, oo sidoo kale ah la qabsasho si ukumaha qaar ay u helaan xaaladaha saxda ah ee la xidhiidha hirarka iyo wixii la mid ah.

Koriinka ukunta waxa saameeya heerkulka biyaha, kaasoo go’aaminaya sida dhakhsaha badan ee ay u baaluqaan.

Ukumaha iyo dilaaca dambe ee  dirxiga ayaa ka dib waxa qaada biyaha hirka oo geeya meelo kala duwan.

Marka dirxiga uu noqdo kalluun yar, waxay u dabaashaan gunta hoose halkaasoo ay ka heli karaan ilaalin ka dibna ku kori karaan. Marxaladdan ee nolosha kalluunka meelaha qabowga ah laga helo si dhakhso ah ayuu u koraa waxa uu ku gaadhi karaa 30-35 sm laba sano gudahooda waxaanau galmo  ahaan ku baaluqaa da’da 2-4 sano jir. Ka dib marka uu gaadho da’da galmo ahaan uu ku baaluqo, kalluunka meelaha qabowga ah laga helo mabda’ ahaan waxa uu siidaayaa ukun sannad kasta.

Kalluunka meelaha qabowga ah laga helo waxaa laga helaa badda Baltic, Öre -sund, Kattegat iyo Skagerrak.

Taariikh ahaan, kalluunka meelaha qabowga ah laga helo waxa lagu tiriyey inuu yahay hal kayd, oo ah, dhammaan kalluunka meelaha qabowga ah laga helo waa iskumid.

Tan macneheedu waa in kalluumaysiga, ilaa iyo hadda sida lala qabatimey, in xoogga la saaro kaydka guud iyo in kaydka maxaliga ahba.

Sinjiyada Kalluunka Meelaha Qabawga Ah Laga Helo

Kalluunka whiting: waxa laga helaa xeebta galbeed ee Sweden oo dhan iyo sidoo kale Öresund iyo galbeedka Badda Baltic. Waxa uu ku nool yahay  meel ka sarreysa gun-badeedda dhoobada-bacaadka ah ee dhererka gunteeduna ay tahay 5-70 m waxa uu kori karaa ilaa 70 sm oo dherer ah iyo miisaan gaadhaya ilaa 3 kg.

Kalluun dhuxul: Kalluun dhuxul waxaa inta badan laga helaa xeebta galbeed ee Sweden oo dhan waxaana si teel-teel ah looga helaa Öresund iyo Badda Baltic. Kalluun dhuxul sida caadiga ah waa kalluun badan oo wada socda waxa uu ku nool yahay joog-u-taxyada biyaha oodhan (laga bilaabo dusha ilaa gun-badeedka). Waxay ka dheeraan karaan hal mitir miisaankoodana waxa uu ka badan karaa 20 kg.

Kalluunka haddock: Kalluunka haddock waxa intiisa badan laga helaa Skagerrak, Kattegat iyo Öre-sund, waxaana si teelteel ah looga helaa Badda Baltic. Kalluunka haddock waxaa uu ku nool yahay gun-badeedka (10-200 mitir gun gaadhaya) oo waxa uu noqon karaa ilaa hal mitir dherer ah iyo miisaan 20 kg ah.

Kalluunka ling: kalluunka ling waxa laga helaa laga bilaabo Öresund ilaa waqooyiga.

Macluumaadka ku saabsan kalluunka ling  ee biyaha Sweden waa uu liitaa, balse waxa la aaminsan yahay in kaydka hoos u dhac ku yimid.

Kalluunka Pollack: Kalluunka pollack waxaa laga helaa xeebta galbeed ee Sweden oo dhan, laga bilaabo dusha ilaa hoos 200 mitir. Si ka duwan kalluunka laga helo meelaha qabowga ah, kalluunka pollack inta badan waxa uu ku nool yahay biyaha furan ee maaha salka. Kalluunka pollack waxa uu koraa ilaa 130 sm miisaankiisuna waxa uu ka badan karaa 20 kg.

Waxa jira waxyaabo badan oo muujinaya in kalluunka pollack, sida kalluunka meelaha qabowga ah laga helo ahaan, uu ka kooban yahay tiro ka mid ah kaydka maxaliga ah, laakiin kaydka hadda waxa laga baabi’iyey Skagerrak iyo Kat-tegat.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here