Noqda Adoomo Allah Oo Walaalo Ah!

0
568

Waxaa laga weriyey Saxaabiga Abuu Hureyra (Rc) inuu Rasuulka Allah (scw) yidhi xadiiskan:
“Ha is xaasidina, ha isku eryina (iibka Badeecadda si sicirka loo kordhiyo ama loo dhimo), ha isu cadhoonina, dhabarka ha isu jeedinina, badeecad qof baayacayo ha baayicina. Noqda addoomo llaahay oo walaalo ah.

Qofka Muslimka ahi ma dulmiyo muslin kale, ma hoojiyo, ma beeniyo, ma quudhsado (Xaqiro, Yaso) . Allah ka cabsigu waa halkan isagoo gacanta saaray laabtiisa saddex jeer. Waxaa shar ugu filan qofka in uu quudhsado ama yaso walaalkiisa Muslimka ah. Qof kasta oo Muslim ah, waxaa ka xaaraan ah dhiigga qofka Muslimka xoolihiisa iyo sharaftiisa”. W.Weriyey Muslim

Leave a Reply