Wadada Guusha Maaha Goobo Raaxo

0
947

Kooxdii ugu horaysay ee Ingiriis ah ee isku dayay inay koraan buurta dunida ugu dheer ee Everest waxay la kulmeen dhibaatooyin badan iyo cimilo adag. Waxaana halkaasi ku dhintay  mid ka mid ahaa kooxda. Aad  ayay uga murugoodeen geeridiisa , laakiina nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ayaa goostay  inuu sii wado gaadhitaanka buurtaasi dusheeda si ay dhamays tiraan hawshaasi uu la bilaabay saaxiibkood. Iskudeygaasi ayaan u suuragelin waxaana kooxdu ku soo noqotay magaalada London, iyagoo intooda kale nabad qabaan.

Markii ay soo gaadheen waxay qabteen shir jaraa’id. Iyagoo ka sheekeeyeey dhibaatadii ay la kulmeen iyo geerida ku timi saaxiibakood, waxaana ay tacsiyad udireen  qoyskiisa.

Goobtaasi ayaa la dhigay sawirka wiilka dhintay iyo ka buurta, mid ka mid ah kooxda dhalinyarada ah ayaa  sheegay inay dhibaato tahay koridda buurtaasi laakiin aanay ka hadhi doonin oo ay maalin u suurtageli doonto inay koraan buurtaasi dusheeda si ay u xaqiijiyaan hadafka saaxiibkood kula dhintay.

Wiilkan ayaa mar danbe ku  noqday waxaana uu xaqiijiyay hadafkaasi isagoo koray buurta ka dib markii uu adkaystay dhibaatadii iyo cimiladii adkayd ee ka jirtay goobta, isla markaana  calankii dalkiisa Ingiriiska kor u  taagaya. Waxaana uu buurta dusheed ka muujiyay guushiisa iyo doonistiisa birta ahayd  manay jirteen buurtaasi koritaankeeda in lagu waajaho doonis adag iyo adkaysi mooyee wax kale. Dariiqa guushuna maaha mid uu Ubaxa ku goglan yahay laakiin waa mid dhib badan oo loo adkaysto, dadaalo loona sabro

Leave a Reply