Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Bilawday Qorsheyaal Wax Loogu Qabanayo Carruurta Derbi Jiifka ah

0
383

Hargeysa(Dawan):- Wasaaradda Shaqo gelinta iyo Arrimaha bulshada,ayaa bilawday qorsheyaal wax loogu qabanayo carruurta derbi jiifka ah,isla markaana lagu dersayo sidii looga midho dhalin lahaa fikradaha hal abuur ee ku jira carruurta derbi jiifka ah.

Waxaa kale oo Wasaaraddu xilligan oo lagu jiro xilli roobaad iyo wakhti qaboobe ah ay u qaybisay dhar ay dhaxanta ka xidhaan iyo hu ay huwadaan iyo qalab isboortis.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqo gelinta oo kormeer ku soo maray goobaha y joogaan carruurta derbi jiifka ah ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay tartamo ciyaareed iyo kuwo suugaameed u qaban doonaan carruurta derbi jiifka ah si is bedel loogu sameeyo noloshooda.

Haddaba warkaas oo faah  faahsan halkan ka daawo

 

 

Leave a Reply