Golaha Wakiiladda Somaliland oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka 2020

0
486

Hargeysa(Dwan):- Golaha Wakiiladda Somaliland,ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Misaaniyadda qaranka Somaliland ee 2020.

Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax,ayay mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ku ansixiyeen miisaaniyad sannadeedka qaranka 2020-ka,oo ay la socoto miiyaaniyadda hay’addaha madaxa bannaan iyo lifaaqa gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax oo codayntii mudaneyaasha golaha wakiiladu u qaadeen Miisaaniyadda ka dib ku dhawaaqay natiijada codka xildhibaanada,ayaa sheegay in Miisaaniyadda qaranka ee 2020 ay ansax tahay oo cod aqlabiyad ah ay mudaneyaashu ay ku meel mariyeen.

Haddaba Guddoomiye Baashe oo ka hadlayay ansixinta gudida doorashooyinka halkan hoose ka daawo.

Leave a Reply