Safiirka Midowga Yurub ee Geeska Afrika oo Sharraxay Dariiqa ay Somaliland ku Gaadhi Karto Madax-bannaanideeda

0
511

Qore Maxamuud Walaaleeeye

Washington (Dawan):- Safiirka Midowga Yurub ee Geeska Afrika Mr Alexander Rondos ayaa sheegay in Somaliland boos taariikhi ah oo xiiso badan kaga jirto caalamka, lagana yaabo inay noqoto meeshii saddexaad qaarada Afrika ee si sharci ah madaxbanaanideeda ula soo noqota.

Mr. Rondos oo ka hadlayey kulan ka dhacay machadka Wilson Center ee magaalada Washington oo su’aalo lagu weydiinayey ayaa ku baaqay inay Somaliland sii waddo dariiqa ay ku muujinayso xasilloonida, oo caawin doontaa isbedello deganaansho siyaasadeed oo xasilloon, hannaanka doorashada.

Wakiilka Somaliland ee USA Amb Bashiir Goth, oo kulanka joobjoog ahaa, su’aalna ku weydiiyey Safiir Randos ayaa u dhignayd sidan “Waan ogahay in Amb uu si wanaagsan ula shaqeeyay Somaliland, marka waxaan doonayaa inaan weydiiyo, haddii uu ka turjumo Somaliland marka loo eego doorka ay ka geysato nabada iyo xasilloonida gobolka, la dagaalanka argagixisada iyo budhcad-badeednimada iyo xaaladdeeda siyaasadeed ee gobolka isbeddelaya ee geeska Afrika?”

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondos, oo ka jawaabayey su’aashaasi ayaa yidhi, “Somaliland waxay ku jirtaa booska taariikhiga ah oo aad u xiiso badan. Tani waa gobol u gaar ah qaaradda Afrika oo horay loo arkay laba kala-noqosho oo sharciyeysan, haddaan si kale u dhigo, adiga oo matalaya Somaliland, meel kale oo saddexaad laga yaabo inay si sharci ah ula soo noqoto madaxbanaanideeda.”

Mar uu ka hadlayey xaaladaha Somaliland u saamaxaya inay gaadho himilooyinkeeda ayuu raaciyey, “Xaqiiqda xilligan la joogo ayaa ah, kama hadlayo in la aqoonsado ama, taasi waa arrin u yaala deriskaaga, dadka, Soomaaliya lafteeda, Midowga Afrika, ama guud ahaan caalamka, laakiin guud ahaanba shaki kuma jiro, inta ay Somaliland sii waddo inay muujiso xasilloonida, oo caawin doontaa isbedello deganaansho siyaasadeed oo xasilloon, hannaanka doorashada, runtiina ku sii dhegenaato yahay arrintaas.

Gebagebadii waxuu ku baaqay in shacabka Somaliland ku adkaystaan hadafkooda, fiirana u yeeshaan, wax ka dhacaya gobolka guud ahaan, isagoo yidhi, “Waxaan filayaa in waqtiga kaliya sheegi doono, balse waxaan soo jeedin lahaa in dadka reer Somaliland hadafkooda qoto dheer aan la iska indhatirin, isla markaana ay si taxaddar leh ugu fiirsadaan waxa ka dhacaya gobolka si ballaadhan.”

 

 

Leave a Reply