Ururka Dhalinyarada Baarlamaanka Africa oo Booqasho ku Yimid Dalka

0
548

wasaaradda xidhiidhka golayaasha soo qaban qaabisay kulan lagu soo bandhigayay taariikhda sharci ee Somaliland

 

 

Hargeysa (Dawan)- Wefti ka socda Ururka Baarlamaanka Africa oo ay xubin buuxda ka tahay Somaliland ayaa waddanka u yimid xaqiiqoraadin iyaga oo raba in ay shirlkooda sannadlaha ah uu sannadkan 2019 ka qabsoomo Jamhuuriyadda Somaliland

Weftigan oo ka kooban shan xubnood ayaa la kulmay masuuliyiinta kala duwan ee Somaliland, sida wasiirrada arrimaha gudaha, ciyaaraha, dastuurka, gaadiidka, hawlaha guud, Diinta, Maalgashiga, golayaasha guurtida iyo Wakiillada iyo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Weftian oo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku yimid marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen xukuumadda Somaliland iyaga oo xidhiidh la samaynaya wasaaradda xidhiidha golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.

Weftigan ayaa kulan la yeeshay xildhibaanno ka tirsan golaha guurtida Somaliland iyada oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, waxaana ujeedada weftigan faahfaahin ka bixiyay wasiirka arrimaha dastuurka, waxaanu yidhi “Weftin waxa aynu doonaynaa in aynu u sheegno qaabka ay u shaqeeyaan golayaasheena gaar ahaan golaha guurtida, iyo sida golahani uga soo qayb qaatay nabadgelyada ay Somaliland ku faanto. Waxa kale oo aynu doonaynaa in aynu xubin buuxda ka noqono iyada oo aynu hadda ka nahay xubin sharafeed.”

Dhinaca kale, wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa soo qaban qaabisay kulan lagu soo bandhigayo taariikhda sharci ee ay leedahay Somaliland, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen ururka dhalinyarada baarlamaanka Afrika, wasiirrada arrimaha gudaha, ciyaaraha, dastuurka, gaadiidka, hawlaha guud, Diinta, Maalgashiga, golayaasha guurtida iyo Wakiillada marwo Edna Aadan iyo xubno kale oo aqoon yahanno ah.

Kulankaasi markii uu soo dhammaaday waxaa faahfaahin ka bixyay wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Waxaa nasiib wanaag ah in ay halkan inoogu yimaadaan ururka dhalinyarada baarlamaanka Africa oo ka kala socda shan dal, saddex maalmoodna ay inala joogaan, runtii waxaa ka qayb qaatay soo dhawayntooda iyo iyo abaabulkooda wasaaraddo kala duwan oo ay ka mid tahay wasaaradda arrimaha dibada. Runtii waxa halkan lagu soo bandhigayay qaddiyada Somaliland sharciyan waxa ay sharci u leedahay iyo jiritaankeeda in la caddeeyo oo adduunka loo sheego.

Leave a Reply