Maayerka Gabilay oo k Hadlay Qorsheyaasha Waxqabad ee ay Saannadka Cusub Bilaabayaan

0
482

Gabilay(Dawan):- Maayerka Degmada Gabilay ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Gabilay Maxamed-ammiin Cumar,ayaa ka hadlay qorsheyaasha sannadka cusub u dejisan ee ay doonayaan in ay ku tallaabsadaan iyo waxqabadyada ay u soo kordhinayaan Bulshada.

Waxaanu sheegay in ay mudnaanta koobaad siinayaan iskuul farsamada gacanta ah,dugsiyo hoose iyo dhexe oo ay soo kordhiyaan iyo mashaaric kale oo ay ka hir gelinayaan deeganada ay degmadu xukunto,kuwaasoo isugu jira dhismeyaal waddooyin iyo qalabaynta xafiisyo hore.

Waxaa kale oo uu sheegay in afarta xaafadood ee degmada Gablay ay ka kooban tahay in ay ku soo kordhin doonaan xafiisyo isla markaana ay qalabayn doonaan.

Waxaanu sidaa kaga dhawaaqay kalfadhigii 19 aad ee golaha deegaanka degmada Gabilay oo maanta qabsoomay isla markaana lagu ansixiyay miisaaniyad sannadeedka 2020-ka ee degmada Gabilay.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo.

Leave a Reply