Xidhiidhka Iyo Isgaadhsiinta Cayayaanka !

0
563

Culimada aqoonta u leh cilmiga barashada Noolaha iyo dhaqankiisa ayaa sheegay inay qudhaanjadu isticmaasho isgaadhsiin uu eeg tan internetka ee dadku isticmaalaan.

Waxayna muujiyeen sida la yaabka leh ee Qudhaanjadu iyadoo kala fog isugu gudbiso macluumaadka ay rabto inay wadaagaan.

 

Iyagoo culimada arrimahan baadhayeen in ka badan 20 sanno, oo ay ku samaynayeen tijaaboyinka Jaamacadda Deboraha Dordon University. Waxay ogaadeen ugu danbaystii , in Qudhaanjadu isugu gudbiso xogaha hab mawjado fudud oo qudhaanjo kasta ay si sahlan oo fudud u akhrisan karto una gaadhi karto, habkan ayay aqoon yahanadu ku magacaabeen Anternet.

Sida ay cadeeyeen waxa kale oo ay u adeegsataa nidaamkan in ay isugu gudbiso cuntooyinka loo baahaan yahay, iyadoo midkoodna xogta diro kan kale aqblo (Send and Receive), waxayna isticmaalaysa habka Anternet ee Transmission Control Protocol. Iyadoo Qudhaanjada habkan isticmaalaysay malaayiin sanadood oo ay soo jirtay.

 

Daarasaddan ayaa sheegtay inay jiraan 11000 nooc oo ah Qudhaanjo ah laakiin nooc kasta u isticmaalo isgaadhsiin u gaar oo aan kan kale xidhiidh la lahayn.  Waxa kale oo yaab geliyay cilmi baadhayaasha sida Qudhaanjadu isaga kaashaynayso dhinac dhismaha , cuntada iyo war isgaadhsiinta. Waxa kale oo si buuxda u ogaadeen inay jirto luqad u gaar ah oo ay isku fahmaan Qudhaanjadu. Iyadoo Quraanka Kariimka ahina uu sheegay in Qudhaanjadu ay hadasho ayna isgaadhisiin karto xogteeda.

 

Leave a Reply