Dawladnimada iyo Qoysku Waa Isku Dhiggan

0
864

Waxa had iyo jeer lays barbar dhigaa Maamulka dawladnimo iyo ka qoyska, maadaama ay labaduba isku ujeeddo yihiin, mid kastana dadaalka laga doonayaa uu yahay inuu u guntado sidii uu u gudan lahaa waajibkiisa oo ah, inuu meel sare oo nolol, nabad iyo barwaaqo leh u gaadhsiin lahaa marka ugu horreysa inta uu ka mas’uulka yahay, kadibna deriskiisa iyo intii kale ee ay wada leeyihiin xidhiidh wada qabsi, Saaxiibtinimo iyo mid wax is dhaafsi.

Dawlad macnaheeda marka la doonayo, in si fudud loo fahamsiiyo qof ama bulsho meel kuwada nool, waxa lagu fasiraa, in Dawladdu kasoo bilaabato qoyska, sidaa darteedna Dawladnimadu wax kale maahee, waa qoyskii oo sii ballaadhay oo sii tarmay oo yeeshay dhul la yaqaa, dad iyo xuduudna leh, isla markaana sameystay Dawlad leh Hoggaan dadku doortay, Dastuur, Calan iyo sharci gudo iyo dibedba lagu iyo cudud Ciidan oo suga xasiloonida gudaha iyo ammaanka xuduudihiisa Dhulka, Badda iyo Cirkaba.

Inta badan marka ay Madaxweynayaasha ama Ra’iisal Wasaarayaashu la hadlayaan Bulshada ay hoggaamiyaan, waxay u sheegaan inay yihiin hal qoys, qoyskana looga baahan yahay is-maqal, talo-wadaag iyo kala dembeyn, si ay u dhisaan qoys aayatiin wacan leh, waxayna ku booriyaan oo kula dardaarmaan inay iska ilaaliyaan wax kasta oo kala fogeyn kara wada-jirkooda iyo miodnimadooda, isla markaana ka digtoonaadaan beer-laxawsiga iyo khiyaanooyinka wejiyada badan ee uu cadowgu doonayo inuu ku wiiqo cududdooda iyo midnimadooda.

Waa run aan lahayn meel kale oo looga beydh-beydo oo bulsho kasta oo mid meel Ilaahay kuwada beeray, waa dad is-wada dhalay oo dhal iyo dhasheed, waana arrinta guud ee ay wada gareen yar iyo weyn oo weliba haddaan adduunka intiisa kale iska dhaafo, ay garteen Somaalida kale, marka laga reebo bulshada kuwada Jamhuuriyadda Somaliland ee aan sinaba meel u kala tageyn intay uu Koonkani jiro.

Haddaba, waxa laga yaabaa inay dad badani isweydiiyaan sababta Somaalidii kale oo dhammi u garteen inay qoys yihiin, reer Somaliland-na u garan la’yihiin. Jawaabteedu meel dheer ka raadin meyno, wax kalena maahee illaa hadda oo ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideedii oo muddo Soddon sannadood ku dhaw ay kasoo wareegtay waqtigii lagu dhawaaqay oo ahayd 18kii 1991kii , haddana weli waxay kala sooci kari la’yihiin oo iskaga dhex qasan danta gaarka iyo danta guud, sidoo kalena waxay jecel yihiin inay isku dhex-milaan laba aan isku milmeyn oo ah Qabyaalad iyo Qaran.

Waxa kaloo intaa usii dheer xishood la’aan, xurmo darro, qadarrin la’aan iyo aflagaadooyin aan loo meel dayin oo dadka kale ee Somaalida ahi kala xishoodaan Madaxdooda, balse reer Somaliland yar iyo weyn, Gabadh iyo Wiil, Odey iyo Islaan intaba dhaqan u noqotay inay sameeyaan ficil kasta oo ay ku waxyeeleyn karaan sharafta iyo Karaamada Madaxdooda ugu sarreysa ee ay xilka hoggaamineed u dhiibtaan.

Arrin kale oo Saddexaad oo Iyana in la xuso u baahan ayaa jirta, taas oo ah is-maqal iyo kala dembeyn la’aanta dhexdooda ka jirta oo ah ta ugu darran ee aanu Qaran ku dhismi Karin, waayo waxa ay ka mid yihiin labadaa qodob godalloolooyinka ugu horreeya ee cadowgu usoo maro, isagoo ka faa’iideysanaya kala ismaqal la’aanta iyo kala dembeyn la’aanta oo ah kuwa ay ka dhashaan kala qeybsanaanta oo fursad qaaliya u ah cid kasta oo cadow u ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Xoog iyo iyo siyaasado kale toona uma adeegsado, balse waxa uu xoojiyaa oo u gunneeyaa siyaabo kala duwan, hadba qolada ku kacsan dawladda ee ay kasoo had iyo jeer, haddallada aan loo meel dayin ee dhaawacaya jiritaanka Qaranimo, sidoo kalena ku gacan-seydha go’aannada iyo awaamirta kasoo baxa Madaxda Qaranka, iyagoo aan sax iyo khalad toona u kala eegin.

Cadowgu marka uu xogtaa ka helo Warbaahinta iyo ilo kaleba, ku dhaqaaqaa marka kowaad si kasta oo uu dhexdoodu iskugu jebin karo, una kala fogeyn karo, si ay iyagu dhexdooda iskaga mashquulaan oo aanay tallaabo hore u qaadin, ilaa iyo inta uu ka gaadhayo ujeeddadiisii oo ah, in aanay reer Somaliland noqon qaran jira, waayo danta dadkiisa iyo dalkiisa ayuu u arkaa inay ku jirto burburinta Qaranimada Somaliland.

Qodob kale oo isna aan laga tegi Karin oo ka mid ah caqabadaha ay ka dhaqaaqi la’dahay Somaliland, waana ta madaxdhaqameeyada oo aan in madax-barar lagu daro eray bixinnadii hore u jiray ee ay ka midka ahaayeen sicir- barar iyo sarrif-bararku, waayo Caano ku-daadintii Salaadiinta ayaa inala maraya ilaa jilibyadii hoose, kadib markay Salaadiinta reeraha u talin jiray isku rogeen kuwa Xukuumadaha Somaliland farta u lula hadday ka waayaan dantooda gaar ahaaneed iyo ta reerka duubka ka dhigteyba, kaasoo isna sii badhi-taageeray caqabadha aan kor kusoo xusnay.

Haddaba, iyadoo ay intaas oo caqabadood oo dhinaca bulshada kaga manaya Xukuumad kasta oo ka dhalata Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa haddana bulshadii dhaqankeedu sidaa ahaa ay faraqa u haysataa Xukuumaddii wax qabad la’aan, iyagoo og inay ka mashquuliyeen wax kasta oo danta guud oo la qaban lahaa.

Sidaa darteed, si aan u saxno una toosino nidaamka, kala dembeynta iyo ismaqalka Dawladnimo, waxa lagama maarmaan ah inaan dib ugu noqono hab-dhaqankii suubanaa ee aan lahaan jirnay ee xagga Maamulka qoyska, isla markaana aan nidaamkeena Dawladnimo aynu hal-beeg uga dhigno kii qoyskeena, maadaama aanay waxba ku kala durugsaneyn Maaamul qoyska iyo dawladda oo ay labada saldhig u yihiin ismaqal iyo kala dembeyntu, haddii kale innaga oo aan geedkaa gaadhin ayaa dhinac walba olol innaga qabsan doonaa oo goor aan goor ahayn calaacalkeenu badan doonaa.

 

 

Leave a Reply