Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Garyaqaanka Guud

0
673

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ansixiyay Xeerka Garyaqaanka guud.

Fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay oo uu Shirgudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ku ansixiyeen Xeerka Garyaqaanka guud.

Fadhigii Shalay ee Golaha Wakiillada oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayay Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayay cod gacantaaga ku meel mariyeen Xeerka Garyaqaanka guud.

Xeerkan Garyaqaanka guud oo Mudanayaasha Golaha Wakiillada wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay ayaa waxa ay cod u qaadeen Xeerka Garyaqaaanka guud, waxaana ogolaaday in la ansixiyo 24 waxaana diiday 1 Xildhibaan halka uu ka diiday hal Xildhibaan, halka ay ka aamuseen 14 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna aanu codayn.

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa ka sheegay fadhigaas u jeedada loo sameeyay Xeerka Garyaqaanka guud. waxaana uu yidhi “Ujeedada Xeerkan waxa weeye in lagu dhiso Xafiis dawlada uga masuul noqon doona Adeegyada Sharci ee Laamaha dawlada u baahan yihiin si loo buuxiyo Adeegyada Sharci ee Dawalada isla markaana lagu mideeyo qaabdhismeedka Xafiiska Garayaqaanka guud”.

 

Leave a Reply