Xukuumadda oo ka Hadashay Dad Ajaanib ah oo Lagu Xidhay Ugaadhsi Sharci Darro ah

0
594

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dad Ajaanib ah oo ka soo jeeda waddanka Imaraadka Carabta oo si sharci darro ah dalka uga Ugaadhsanayay Deerooyin, kuwaas oo Xabsiga loo taxaabay, isla markaana la ganaaxay.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Reer Miyiga Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay ganaaxeen Hayada Wadanka keentay dad Ajaanib ah oo si sharci darro ah u gaadhsanayay deerooyin, waxaana uu intaasi ku daray in ay ku dabo jiraan muwaadiniin dalka u dhashay oo ajaanibtaas dalka keenay.

Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa jirtay niman Carab ah oo ka yimid dalka Imaaraadka Carabta oo ku yimid waddanka Hay’ada Khayriya oo ka hawl gasha dalka Somaliland, isla markaana ay ka masuul yihiin muwaadiniin reer Somaliland ah, waxaana aanu jeelka ku hubsanay dhammaan ciddii gacan ku la hayd dadkaa Ajaanibka ah oo ay ka mid ahaayeen Masuuliyiintii la hayd Shirkadaa Khayriga ah, waxaana soo baxay cid waliba dambigii ay la hayd. Baadhis dheer ka dib waxa caddaatay in muwaadiniinta reer Somaliland ee Hay’ada Khayriga ahi ay qoladaa Carabta ah dalka keeneen iyo in ay Deerada soo qabteen oo iyagu u dhiibeen nimankaa Ajaanibka ah, waxaanay ku dhiiri galiyeen in wax iska caadi ah ay tahay in Ugaadhsado, wixii dambi halkaa ka dhacay waxa aanu ku qaadnay ciddii Masuulka ka ahayd ee dalka keentay nimankaa Ajaanibka ah, waxaana la ganaaxay 10,000 kun oo doolar, sidaana kaga hadhi mayno muwaadiniintii reer Somaliland ee Nimankaa Ajaanibka ah dalka keentay lagaga hadhi maayo waxaana aanu la tiigsan doonaa Maxkamadda iyo Xeerarka u yaala Duur-joogta dalka Somaliland, umana eegayno Waddanka ay ka yimaadeen iyo dhalashada ay sitaan. Cid kasta oo dalka timaadaa waa in ay ilaalisaa Shuruucda dalka u taala ee Deegaanka”.

 

 

 

 

Leave a Reply