Lo’da Muraayadaha Xidhan

0
463

Beeralayda Ruushka ayaa soo saaray nidaam ay Lo’ad ay dhaqdaan ugu xidhaan muraayadaha Indhaha, Muraayadahan oo samaynaya humaag araga aan xaqiiq ahayn oo deegaanka iyo quruxdiisa muujinaya.

Beeralayda ayaa sheegay in tijaabo ay qaadeen ay ku ogaadeen in qalabkani uu Lo’ada u sameeyay nafis iyo degenaansho. Waxa kale oo ay cadeeyeen in caanaha neefka loo xidho ay aad uga bataan intii hore looga heli jiray, sababtuna ay tahay nefiska uu ka helay qalabka.

Murayaadda indhaha ee Lo’ada ayaa la sheegay inay aad uga duwan tahay maxaa yeelay iyada waxa loo eegaa dookha iyo waxa ay lo’du jeceshahay oo ah dhulka cagaarka ah ee barwaaqada ah.

Wasaaradda beeraha ee Ruushka ayaa sheegtay in qalabkani uu ka yareeyay lo’da werwerka.

Sida uu baahiyay Telefishinka  CNN Beeralayda Ruushka oo keliya maaha kuwa qudha ee jecel inay ka farxiyaan lo’ada si wax soo saarkooda caanaha iyo hilibka kor ugu qaadaan, waxase jirta in beeralay badani oo reer Yurub ay sameeyaan inay lo’da u garaacaan miisi ama dejiyaan goobo iftiin qurux badan leh si ay u dejiyaan niyadda lo’adooda.

Leave a Reply