Sweden oo Maalgelisay ka Helitaanka Daawooyin Tayo leh Suuqyada Somaliland

0
491

 

Warbixin lagu daabacay Forum Syd

Hargeysa- (Dawan):- Xarunta ElmiMedic ee Hargeysa, Somaliland waxaa aasaastay Rhoda Cilmi, oo xubin ka ah qurbo-joogta ee Sweden. Ganacsiga asaasiga ah ee ElmiMedic wuxuu diiradda saarayaa ka helitaanka dawooyinka tayo iyo xafidnaan leh suuqyada Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Warbixin lagu daabacay mareegta Forum Syd (urur ka shaqeeya xidhiidhka Sweden & Somaliland) Sabtidii, ayaa lagu bilaabay; Sanadkii 1982, Rhoda waxay gaadhay dalka Sweden si ay ula midowdo aabaheed oo ku noolaa Sweden. Iyada oo ka warqabta caafimaad darrada ka haysata waddankeeda hooyo, Rhoda waxa waxbarashada ku qaadatay Bachelor-ka cilmiga dawooyinka ee Jaamacadda Gothenburg halkaas oo ay si guul leh uga qalin jabisay. Ka dib waxay maamule ka noqotay mid ka mid ah xarumaha dawooyinka ee Göteborg halkaas oo ay ka heshay khibrad aad u balaadhan oo ku saabsan wax soo saarka dawooyinka.

Horraantii 2013, Rhoda, oo ah hooyo, iyada iyo inankeedu waxay ayaa ku soo noqotay Hargaysa si ay u booqato qoyskeeda. Intii ay booqashada ku jirtay Rhoda waxay la kulantay dhibaatooyin nafsi ah oo la xidhiidha helitaanka daawooyinka tayada leh oon laga helin dalka. Wiilkeeda waxaa ku dhacay xanuun caloosha ah, sidaa darteed waxay u geysay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Hargeysa. La-yaabkeeda, wiilkeeda waxaa loo qoray laba daawo – mid ka mid ah daawooyinka waxaa lagu sameeye dalka Pakistan, waxaana mamnuucay isticmaalkeeda Midowga Yurub. Daawada labaad waxaa loogu talagalay in lagu nadiifiyo kelyaha oo aan ahayn caloosha.

Afrika iyo gaar ahaan Somaliland ama Soomaaliya, waxay si weyn loo rumeysan yahay in dadka dakhligoodu hooseeyo ama xitaa meelaha ay adag tahay in la gaadho ay leeyihiin arrimo caafimaad sababtoo ah ma heli karaan adeegyada caafimaadka waqtigii loogu talagalay. Si kastaba ha noqotee Rhoda waxay aaminsan tahay inay jiraan wax kabadan oo hagaajin u baahan sida qawaaniin iyo sharciyo ku saabsan badeecada dawooyinka ee soo galaya dalka.

“Waxaan had iyo jeer ka fekeri jiray waxaan dib ugu celiyo dadkayga”. Waxaan ku bilaabay aniga oo eegaya noocyada iyo tayada dawooyinka ku jira suuqyada Somaliland. Waxay ahaayeen kuwo raqiis ah laakiin tayo liita oo aad uga hooseeya, heerka caalamiga ah. Waxaan dareemay inay tahay in wax degdeg ah la sameeyo ” ayey tidhi Rooda Cilmi

Waxay ka bilowdey ElmiMedic’s Hargeisa, magaalada ugu weyn ee Somaliland sanadkii 2013. Waqti aad u yar, ElmiMedic ayaa suuq si weyn u gaadhay, iyada oo uga mahadcelineysa tayada badeecooyinka ay hesho ee laga soo diray Sweden. Sannadkii 2018, Rhoda waxay codsatay Barnaamijka Ganacsiga Soomaalida ee Sweden (SSBP) oo nasiib wanaag ku tixgeliyay ganacsigeeda oo markii ugu horreysay ka heshay maalgelin ganacsigeeda lagu balaadhiyo.

Lacagta laga helo barnaamijka SSBP ayaa u suurta gelisay Rhoda inay ballaadhiso ganacsigeeda, iyada oo markaas ka furatay laan yar magaalada Jigjiga – xaafad ku taal Hargeysa oo ay ku nool yihiin qurbajoogta Somaliland. Maanta, Rhoda meheradaheeda waxay shaqaaleysiisay 9 shaqaale, 5 dhedig ah iyo 4 rag ah oo gacan ka siiya sidii ay u socodsiin lahayd ganacsigeeda. Waxay dawooyinka wanaagsan siisaa magaalooyinka dariska ah ee Boorame, Burco iyo xitaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Iyada oo la riixayo suuqa sii kordhaya ee wax soo saarka dawooyinka, Rhoda waxay qorsheyneysaa sanadaha soo socda, si ay ugu fidiso ganacsigeeda dalka oo dhan iyo magaalada Jigjiga, oo ah magaalo ku taal gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay, ganacsigeygu wuxuu soo jiitay kumanaan macaamiil ah waana tan sababta u ah tayada badeecada aan dalka ku soo galnay. Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo Forum Syd oo ah urur iga caawiyay xaqiijinta riyooyinkeyga. Aad ayaan ugu faraxsanahay taageerada iyo rajada aan ka qabo inaad sii wado taageerada dadka leh fikradaha ganacsi” ayay tidhi Rhoda.

Leave a Reply