Maayarka Berbera oo ka Hadlay Sababta Xidhagga Sheekh Saleeban

0
601

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Muxumed Xasan Cidin ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ee Gobalka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali loo xidhay is hortaag uu ku sameeyay Badeecad dhacday oo laga helay meherad uu ku leeyahay Magaaladaas.

Cabdishuur Muxumed Xasan oo shalay la hadlay Qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xadhiga Sheekh Saleebaan Siciid aanu khusany arimo Siyaasadeed oo la Xidhiidha Xisbiga Wadddani, hase yeeshee uu sameeyay is hortaag Sharci, taasina ay keentay in laga qaado tallaabo Sharciga Waafaqsan.

Cabdishakuur Muxumed Xasan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa lala kulmay Meherada la yidhaado Dheeman oo haysa alaab dhacday waxaana la maray nidaamka Sharciga ah markaa waxa soo dhex galay Mulkiilihii meherada waxaana lagu kexeeyaa qofka lagu qabto alaabta dhacday Xisbiga Waddani shaqo iskumaanu iman, laakiin mulkiiluhu isagaa meheradiisii yimid ka dibna is hortaag shaqo ayuu sameeyay dabadeedna talaabadii ku habboonayd ee Sharcigu dhigayay ayaa laga qaaday”.

Cabdsishakuur Muxumed Xasan oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaana aanu gubnay 27 Koontiinar oo daqiiqa meelna kama leexano anagu qof kastaana Caddaalada wuu jecel yahay laakiin markay soo gaadho ayay dhibaato ku tahay, waxaana uu kala mid yahay Caddaalada Bulshada Nidaamkii Sharci ayaanu u marnay Nidaamka Sharci ayaa xidhay. gobalka Saaxil waa lagu tartamay oo Xisbiyada ayaa ku tartamay waa lagu kala adkaaday Siyaasiyan ayaa lagu kala adkaaday Gobal Qof looga baqo oo Mucaarad adag ayaa ka jira oo nooga imanaya majoogno dadka intooda badani cid ayay doorteen oo Xisbi ayay u codeeyeen”.

Sidoo kale Cabdishakuur Cidin ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan Horumarintii ay ka wadeen Golaha Deegaanka Degmada Berbera. waxaana uu yidhi “Waxa aanu isleenahay waxa aad ka mid tihiin Dawlada Hoose ee dadaalay ka degmo Berbera ahaan, markaa waxa aanu isku diyaarinaynaa in aanu sii wadno Horumarinta Degmada Berbera, Degmooyinka kale ee aanu caawin karnana waanu sii wadaynaa haday tahay Aqoonta iyo haday tahay Dhaqaale”.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply