Wasiirka Caafimaadka oo si Adag Uga Jawaabay Haddalo ka Soo Yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga UCID

0
604

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Bade ayaa ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Cumar Cali Bade ayaa waxa uu sheegay in aanu dalku dib ugu noqon karin Shirbeeleed oo laga soo gudbay lix iyo labaatan Sanno ka hor, waxaana uu intaasi ku daray in ergada ku jirta dhex dhexaadinta murankii ka dhashay Koomishanka Doorashooyinka ay keeni doonaan xal.

Cali Cali Bade oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waan ixtiraamayaa Guddooyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe waxa aan isleeyahay malaha halkii dib loogu noqon lahaa 26-kii Sannadoodk ee aynu soo dhaafnay waa safar dheere oo Shirbeeleed dib ugu noqon mayno cida Dhexdhexaadinta ku jirtaana xalbay keeni, waxa laysku hastaa waa labo Sanno oo labadaa Sanno oo la sugo iyo 26 Sannadood oo dib loo noqdo inaga Go’aansan doona”.

Cumar Cali Bade oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaana aan aaminsanahay in hadalka Faysal Cali Waraabe ku salaysanyahay lexo jeclo oo dariiqaa aynu soo marnay sidee ayaynu xejisanaa. waxaana aan isleeyahay hadii uu jiro yooyotan iyo kala riixasho Siyaasadeed Qof waliba waxa uu isleeyahay sidan ayay ku fiicantahay iyo sidan ayay ku fiicantahay, Qof ay ku jirto ama Xukuumadda ha noqoto ama Axsaabta ha noqoto wixii ay ku kasbanay aynu baabiino ma jirto Xaasha”.

 

Leave a Reply