“Madaxweyne Muuse Biixi Waan la Shaqeynayaa Mucaaradna Ma Noqonayo”

0
365

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xuseen Ibraahim Buuni ee dhawaan xilka laga qaaday ayaa Sheegay in uu la Shaqayn doono Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xuseen Ibraahim Buuni oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay tahay awoodaha Dastuuuriga ah Madaxweynaha in uu isbedal ku Sameeyo Xukuumadiisa, waxaana uu intaasi ku daray in uu soo dhawaynayo isku Shaandhayntii Madaxweynuhu ku Sameeyaya Golaha Wasiirada.

Xuseen Ibraahim Buuni oo Arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sunnaha Dawladnimada ayay tahay in isbadal Madaxweynuhu ku Sameeyo Xukuumadiisa waana awoodaha Dastuuriga ee Dastuurku u siiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu isbadal ku saman karo Golaha Wasiirada iyo Xukuumadiisa markaa waan soo dhawaynayaa in xilka layga qaado”.

Xuseen Ibraahim Buuni oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dadaalka aanu la soo galnay Madaxweynaha Somaliland wakhtigii olalaha Doorashada Madaxtooyadda ee Xisbiga Kulmiye dan ii gaara oo aanu Madaxweynaha ku heshiinay may jirin in uu ii fuliyo dan gaara, Madaxweynaha waxa aanu ku wada soconay kulana Shaqaynaynay mabda ayay ahayd iyo sidii dalka loo Horumarin lahaa ee wax loogu qaban lahaa, waana ku ixtiraamayaa Madaxweynaha xilkaa iga qaaday anigu Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waan la Shaqaynayaa anigu Mucaaradkana magalayo”.

 

Leave a Reply