Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Cusbitaalka Casriya Oo Laga Hirgeliyay Magaalada Boorama

0
453

“Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda Horn University faraceedda Boorama”….

 

Qore Khadar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa shalay xadhiga ka jaray cusbitaalka Adal International oo laga hirgeliyay magaaladda Boorama.

Cusbitaalkan cusub ee Adal International waxaa hirgelisay jaamacadda barashadda culuumta caafimaadka ee Adal Medical University, jaamacadaas oo xarunteedu tahay magaaladdda Boorama.

Madaxweyne ku xigeenka oo shalay safar shaqo ku tegay Boorama waxaa xadhig ka jarista jaamcadaasi ku wehelinayay wasiirka wasaaradda caafimaadka.

Waxaana munaasibadda xadhig ka jarista ka soo qayb galay masuuliyiinta jaamacada culuumta caafimaadka ee Adal Medical University, madax dhaqameedka, maamulka gobolka Awdal iyo ka degmadda Booram, masuuliyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furitaanka cusbitaalkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hirgelinta cusbitaalkan Adal.

Waxaanu C/raxmaan Saylici, balan qaaday in ay ka xukuumad ahaan wixii lala qaban karo cusbitaalkani ay ku taageeri doonaan.

Dr. C/raxmaan Jaamac Xadi, oo furitaanka cusbitaalkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in cusbitaalku uu ka kooban yahay 50 Sariirrood iyo qaybaha daawaynta guud, qaybta haweenka iyo dhalmadda iyo qaybta qaliinka.

Waxaanu xusay in ay cusbitaalka ka hawl geli doonaan dhakhaatiir heer caalami ah, isla markaana bulshadda u adeegi doona.

Siyaasiyiin, madax dhaqameed, haween, dhalinyaro iyo xubno kaloo iyagna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay cusbitaalkan cusub ee Boorama laga furay.

Waxaanay sheegeen inuu wax badan ka tari doona cusbitaalkani baahiyihii caafimaadka ee ka jiray gobolka Awdal.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka ayaa isla shalay waxaa uu magaaladda Boorama kaga qayb galay munaasibad loo sameeyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda Horn University faraceedda magaaaladda Boorama.

Munaasibadaasi waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo kuwa gobolka Awdal iyo degmadda Boorama, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda qalin jebisay ee munaasibadda loo qabtay ayay tiradoodu dhamayd 114 arday, oo ka aflaxay qaybta lagu barto caafimaadka ee jaamacadaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo shahaadooyinka guddoonsiiyay ardayda qalin jebisay ayaa ku bogaadiyay ardayda mudadda dheer ee ay soo wadeen geedigoodda waxbarasho.

Geesta kale Maxamed Cabdi Ismaaciil, guddoomiyaha jaamacaddaHorn Unversity faraceedda Boorama ayaa hambalyeeyay ka qalin jebiyay jaamacadaasi.

Waxaanu sheegay in ay barteen culuum kala duwan oo la xidhiidha dhinaca caafimaadka.

 

Leave a Reply