Dr. Abiy oo la Gudoonsiiyey Abaalmarinta Nabadda Aduunka

0
430

Oslo (Dawan)- Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa shalay lagu gudoonsiiyey abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2019, magaalada Oslo, taasoo qeyb ka mid ah, nabadgelyadii uu la qaatay dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea ka dib colaad laba qarni qaadatay.

“Waan aqbalayaa abaalmarintan aniga oo ku hadlaya magaca Itoobiya iyo Ereteriya, gaar ahaan kuwa nafahooda u huray gaadhitaanka nabadgelyada,” ayuu yidhi Dr Abiy, shalay markuu lagu gudoonsiiyey abaal-marintan xaflad rasmi ah oo ka dhacday Magaalada Oslo.

“Sidoo kale, waxaan u aqbalayaa abaalmarintaan aniga oo ku hadlaya magaca rafiiqa, iyo halyeyga nabadeed, Madaxweyne Isaias Afwerki, oo rajadiisa, aaminaaddiisa iyo ballanqaadkiisu ay muhiim u ahaayeen soo afjaridda colaadii muddada labaatanka sano ahayd ee u dhaxeeysay waddamadeenna,” ayuu raaciyay.

Dr Abiy, oo 43 jir ah, ayaa sheegay in khibraddiisa naxdinta leh ee ku saabsan askariga da’da yar ee Itoobiya ah uu ku gudoonsaday go’aankiisa ah inuu raadinayo dhamaadka dagaalka.

“Labaatan sano ka hor, waxaan ahaa raadiyo-wale ku xidhnaa qeybta ciidanka Itoobiya ee magaalada xaduudka Badame,” ayuu xusay.

Laba bilood uun ka dib markii uu noqday ra’iisul-wasaaraha wuxuu ku dhawaaqay in Itoobiya ay si buuxda u aqbali doonto shuruudaha heshiiska nabadeed ee ay la laheyd muddo dheer cadawga Eritrea.

In kabadan 80,000 oo qof ayaa lagu dilay, halka boqolaal kun kale guryahoodii lagala baxay intii lagu gudajiray dagaal labo qarni socday oo ka dhex qarxay dalalkan dariska 1998dii.

 

Leave a Reply