Wasiirka Biyaha Somaliland oo Gobolka Saraar Ka Dhagax-dhigay Ceel Biyood

0
483

Qore Khadar M. Xaashi

Caynaba (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa shalay dhagax-dhigay Ceel-biyood madaxweynaha Somaliland uu hore ugu balan qaaday in loo qodi doono bulshadda degaankaasi.

Ceel biyoodkani ayaa haddii uu noqdo mid guulaysta wax badan ka tari doona baahida biyood ee ka jirta degmada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar.

Wasiirka biyaha Somaliland dhagax-dhiga Ceel Biyoodkaasi hadal ka jeediyay ayaa yidhi “Halkan waxaa aynu u joogna dhagax-dhigi Ceel Biyoodkii Riiga ahaa ee madaxweynuhu Jamhuuriyadda Somaliland ugu balanqaaday reer Saraareed, anigana igu amray in aan tago oo aan dhagax dhigo igu amray ayeynu joognaa.

Weynu dhagax dhigeynaa ILLAAHAY kii aynu ka gaadhno biyo macaan haka yeelo, nasiibkaygana igu soo duceeya in ILLAAHAY igu asturo koley goobtan aynu taaganahay ma aha goobtii aynu daloolinaynay, koox ayaan soo dirayaa si wanaagsan u baadha halka ay is yidhaahan biya ku jira boqolkiiba sideetan ayaynu Riig ku qotomin doona hadii ILLAAHEY yidhaaho, hada waa aynu dhagax-dhigeyna hawshii ayaa bilaabantay”.

Dhankooda bulshada degmadda Caynaba ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uga mahad celiyey dhagax-dhiga ceel biyoodkaasi.

Leave a Reply