“Xaq Uma Lihid Inaad Noolaato”

0
946

Laim Deane oo degenaa magaalada London da’diisuna ahayd  22  ayaa la xidhay sanadkii 2018, ka dib markii uu dilay gabadh yar oo  laba hebeen jirtay oo uu dhalay.

Laim ayaa inanta yar ee uu dhalay oohinteeda ka cadhooday, waxana uu xaaskiisa oo umul ahayd u sheegay inuu isagu hayn doono caawa madaama ay laba habeen u soo jeeday.

Markii ay xaaskiisu qolka hurdada iska seextay Laima ayaa ilamaha yar dhawr feedh ku dhuftay kuwaasi oo ay koomo ku gashay. Markii habeenkii xaaskiisu ku soo noqtay waxay aragtay inanteedii yarayd oo dhaawacan markii ay weydiisay waxa ku dhacayna waxa uu u sheegay in aanu garnayan laakiin laga yaabo inay ka dhacday halka ay huruday.

Ilamaha ayaa la geeyay Isbitaalka, waxaana ay ku dhimatay halkaasi. Booliiska ayaa baadhis ay sameeyeen ku ogaaday inu isagu si ula kaca u dilay ilmihiisa yar, taasi oo uu isaguna markii danbe qirtay inuu dilay markii uu ka seexan waayay hurdadii habeenka..

Booliiska galbeedka Yorkshire ayaa ku tilmaamay dilka Deane inantiisa u dhalatay “dambi aad uxun “,

Laim ayaa xabsiga  rumaan xukun suge ku ahaa xabsiga,.  Waxaana isku qol ay noqdeen maxbuus lagu magacaabo Westland oo isagu laftiisu dil geystay. Laim maxaabiistu waxay ugu yidhi jireen magaca “ Dilaaga Abaydinka”, taasi oo ay dhamaantood ku aflagaadayn jireen iyagoo u hanjabi jiray.

Galab danbe ayuu Westland oo ay isku qol ahaayeen ku soo kacay isagoo sita quraarad kala jaban waxaana uu ku yidhi “ Horta runta ii sheego maxaa lagugu soo xidhay”? Liam ayaa ku jawaabay “ Ilamahayga yare ee labada habeen jirtay aan dilay”.

Westland ayaa ku yidhi “ Aidguna xaq umalhid inaad noolaato,waxaana uu la dhacay quraaradii, ilaa uu dhiig baxay oo sidaasi ku  dhinta”.

Westland ayaa xeerbgeetda u sheegay inuu isagu khaarajiyay waayo qiimo kuma lahayn nolosha, madaama uu abaydin uu dhalay dilay.

Ninkan dilay ee Westland waxa la xidhay sanadkii 2008 iyadoo lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii uu kufsaday oo dilay islaan 50 jir ah. Haddana waxa uu la yaabay ninkan dilay ilmo yar oo laba hebeen jirtay oo uu dhaly, inkasta oo isagu ahaa danbiile haddana kuwa denbiyada sameeya ayaa laftigoodu midba kan akle la sii yaaba.Waa xaqiiqoyinka nolosha ka dhaca, in nolosha gudaheeda u abaalkiisa ku kulmo dnebiilugu . (.mirror.co.)

 

Leave a Reply