Qiimaha Hooyada Ee Ubadka!

0
1320

Markii uu Imtixaanka u fadhiistay Maxamed C/kariim  oo degan waqooyiga gobolka Siinay, waxa ku jirtay su’aal curis ah oo laga qorayay  “ Fadliga weyn ee Hooyada “. Waxay ku reebtay murugo badan waayo maalmahaasi ayay ahayd markii ay hooyadii dhimatay.

 

Maxamed ayaa curiskaasi ku qoray “ Hooyaday way dhimatay, wax kastana way la dhimatay”. Erayada jawaabtaasi oo aad uga yaabisay macalimiinta, una muujisay niyada murugada leh ee wiilkan ayaa sababtay in  Wakiilka waxbarashada ee gobolka iyo maamulaha dugsiga oo gabadh ahayd ay xafiiska ugu yeedhaan kana waraystaan waxa jawaabtiisan ku kelifay iyagoo aad ugu muujiyay ixtiraam.

Laakiin wiilka oo ilmo ka qubanayso ayaa u sheegay in dhowaan hooyadii dhimatay, ka dibna ay noloshu ku adkaatay.

Waxaana ay siiyeen shaahadada kor u qaadaysa niyadda iyo macnawiyadda qofka. Iyagoo murgudiisan la wadaagay waxaana  aradaygaasi yar kaafaala qaatay Jaamacadda As-har oo noloshiisa si dhamaystiran u daboolays.     (Al-Arabiya.Net).

Leave a Reply