Dugsi ay Hirgeliyeen Dadka Aragga Nafada ka ah oo Laga Furay Burco

0
480

Qore Khadar M. Xaashi

Burco (Dwan):- Dadka aragga ka naafada ah ee bogolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco,ayaa abaabul iyo isku tashi ay sameeyeen ku go,aansaday in ay hirgeliyaan iskuul u gaar ah dadka aragga ka naafada ah ee gobolka Togdheer, isla markaana oo bandhigay waxay qabsadeen iyo hammigooda ah in ay iskuul u gaar ah dadka aragga ka naafada ah ee gobolka Togdheer in ay helaan.

Waxaanay ka codsadeen Xukuumadda iyo ganacsatada reer Somaliland gaar ahaan gobolka Togdheer in ay wax la qabtaan. isla markaana ay gacan ka geystaan dugsigan ay hirgelintiisa bilaabeen dadka aragga naafada ka ah ee magaalada Burco.

Waxaa ay bulshada Somaliland guda iyo dibadba ugu baaqeen sidii ay wax ula qabanlahaayeen.

Qaar ka mid ah dadka araga naafadda ka ah ee magaalada Burco ayaa xukuumadda iyo bulshada Somaliland ka codsaday sidii wax loola qabanlahaa waxaaney yidhaaheen “Annaga oo ah dadka aragga naafadda ka ah ee halkan ku dhaqan waxaa aanu halkan u joognaa, in aanu u abaabulannahahay oo aanu diyaar u nahay oo aanu u habeysanahay si sidii aanu waxbarasho ugu helilaheyn taas oo aanan helin 28-kii sano ee Somaliland jirtay.

Waxbaanu maanta isu-yar gey-geynay wax iska dhiga ayaanu is nidhi waanu is abaabulney hadeerna waxaanu doonaynaa wixii aanu bulshadda kala midka aheyn in nalala qabto”

“Rag iyo dumar dhallinta araga naafadda ka ah Maanta marti waxaanu ugu nahay oo aanu dooneyna walaalahayo in waxbarasho na loo furo, waxbarashada dawladda oo kaliya lagama dalbado ee shacabka Somaliland guda iyo dibadba diyaar waxaa aanu uga nahay, anagaa is abaabulney, annagaa guri kireysanay, inay diyaar noo noqdaan sidii ay wax noola qabanlahaayeen, ILLAAHEY wuxuu yidhi qofkii aan laba indhood ka qaado ee samra Janno ayaan ugu beddelayaa, waxaa kale oo aad ogaata aragga oo la beelaa inaad ummadii ka hadhay maaha, “Ayey tidhi mid ka mida hablaha araga naafadda ka ah ee isu xilqaamay hirgalinta dugsiga indhoolayaasha ee magaalada Burco.

 

 

 

Leave a Reply