Xukuumadda oo Shaacisay Tiradda Dadka Ku Barakacay Dalka Gudihiisa

0
452

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Maxamud Yuusuf Cali agaasimaha waaxda barakacayaasha ee Hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ee NDRA ayaa sheegay in tiradda dadka ku barakacay dalka gudihiisa ay dhan yihiin Kun, boqol iyo saddex qoys.

Sidoo kale waxaa uu xusay tiradda goboladda dalka ku barakacday iyo gobol walba inta ay dhan tahay. Waxaanu sidan ka sheegay mar ay shalay warbixin siinayeen guddida joogtadda ah ee golaha guurtidda Somaliland.

Maxamud Yuusuf Cali agaasimaha waaxda barakacayaasha ee Hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka ee NDRA oo ka hadlayay tirada guud ee dadka dalka ku barakacay, waxa uu yidhi “Barakacayaasha hadda jira waxaa ay marayaan kun iyo boqol iyo saddex qoys, shaqsiyaadna u dhiganta lix kun iyo lix iyo siddeed iyo toban qof oo dalka oo dhan ku nool, gobolka Marroodijeex todoba iyo toban kun laba boqol iyo kow iyo afartan qoys, Sanaag siddeed iyo toban kun saddex iyo lixdan qoys, Awdal toban kun saddex boqol iyo lix qoys, Saaxil shan kun sagaal boqol iyo sagaal qoys, gobolka Togdheer sagaal iyo labaatan kun laba boqol iyo lix iyo labaatan qoys, Sool labaatan kun boqol todoba iyo labaatan qoys, tiradda guudna waxaa ay noqoneysa boqol iyo hal kun iyo saddex qoys”

Leave a Reply