Wasiirka Caafimaadka oo Sheegay in ay Qiimaynayaan Wixii Qabsoomay

0
404

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Bade ayaa Sheegay in ay Qiimaynayaan wixii u Qabsoomay iyo Qorshaha ay ku hawl gelayaan ee soo socda.

Cumar Cali Bade ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay Shirka Sannadlaha ee Qiimaynta iyo Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo ka furmay Magaalada Berbera kaas oo socon doona muddo Saddex cisho ah, waxaanu tilmaamay in Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ay bixiso adeegga ugu muhiimsan ee Caafimaadka dalka. isla markaana adeeg bixintaasi tahay Qorshaha qaranka.

Cumar Cali Bade oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Wasaarada Caafimaadka waxay ka mid tahay Wasaaradaha adeegga Caafimaadka bixiya waana ta ugu muhiimsan ee Qaranka,adeeg bixintaasi waxay qayb ka tahay Qorshaha Qaranka ee labaad waxana Qorshahaasi fulayaa marka aynu soo saarno saddexdaa cisho ee Shirku inoo socdo marka aynu soo saarno Qorshe miisaaman oo aynu ku hawl galno Sannadka 2020 ka,Shirkan waxa lagu qiimaynayaa wixii inoo soo qabsoomay iyo Qorshaha sannadka soo ee 2020 ka Qof aynu Caafimaadkii dalka aynu isleenahay wuu u maqanyahay oo taladiisa la tebayo iima muuqato in uu jiro, taasina waxa ay keenaysaa in wixii inoo qabsoomay si ay ku jirto daacadnimo iyo isla xisaabtan oo aynu lafo gurno oo aynu qiimayno oo qorshe bilaa turxaan ah ayaa la doonayaa in shirkan laga soo saaro.”.

Leave a Reply