Magaalooyinka Berbera, Burco iyo Sheekh oo Lagu Qabtay Kulamo Dadweynuhu Kula Xisaabtamayaan Dawladdaha Hoose

0
503

Qore: Saleban Cabdi Cali Kalshaale

Hargeysa (Dawan)- Maayarka iyo Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaalada Berbera oo dadweynaha reer Berbera kulan la yeeshay, ayaa ka xog warramay mashaariicda horumarineed ee sannadkan sii dhammanaaya u qabsoomay iyo waliba mashaariicda ay degmo ahaan ka fuliyaan barmaamujka Isku-xidhka dawladdaha hoose ee JPLG-ga, kaas oo ay degmada Berbera kamid tahay magaalooyinka uu ka socdo mashruucaasi.

Cabdishakuur Maxamuud Cidin, Duqa degmada Berbera, ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka oo Magaalada Berbera goob fagaare ah kala hadlayey dadweyne, ayaa sheegay in sannadkan sii dhammaanaya ee 2019, degmada Berbera ku sagootinayso waxqabad ballaadhan oo ka hirgalay, isaga oo rejeeyay in sannadka xigga ee 2020-ka ay rejeynayaan horumar ka sii ballaadhan sannadkan.

“Sannadkan sii dhammaanaya wuxuu galbaday iyadoo adeegyada Waxbarashada degmada Berbera ay inagaga baxday lacag dhan $500,000, oo dollar, taasoo mashruuca JPLG-ga ay kaga jirto lixdan kun oo dollar, inta kalena ay bixiyeen Dawladda hoose iyo Xukuumaddu” ayuu yidhi Cabdishakuur Cidin.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waxa kale oo sannadkan adeegyada Caafimaadka horumarintooda inagaga baxay lacag ka badan shan boqol oo kun oo dollar ($500,000), taasoo iyana JPLG-ga ay kaga jirto ($60,000), inta kalena waxa bixiyey Dawladda hoose oo kaashanaysa Xukuumadda” ayuu yidhi.

Maayarku waxa kale oo uu sheegay in sannadkan iyo sannadihii ka horreeyeyba mashaariic door ah laga hirgeliyey Barmaamujka JPLG-ga, isla markaana qorshaha sannadkan ay ugu jiraan waddooyin muhiima oo laga dhisayo magaalada iyo nawaaxigeeda, isagoo dhinaca kalena halkaasi uga mahad-naqay bah-wadaagta mashruuca JPLG-ga oo ka kooban, Xukuumadd, Dawladdaha hoose iyo laamaha Qaramada midoobay, iyo waliba Hay’adda KMC oo magaallooyinka mashruucu ka socdo bishan ka fulinaysa kulamo masuuliyiinta dawladdaha hoose iyo Bulshadu ku wadaagayaan fagaareyaal xog-waran la xidhiidha waxqabadka iyo qorsheyaasha mashaariicda horumarineed.

Geesta kale, Xoghayaha fulinta Dawladda hoose ee Magaalada Berbera oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga warramay mashaariicda u qabsoomay Dawladda hoose iyo kuwa u qorsheysan, waxaanu xusay in meelaha xoogga wax looga qabtay ay kamid yihiin adeegyada Caafimaadka, Biyaha, waddooyinka iyo waliba bilicda magaalada.

Dhanka kale, magaallooyinka Sheekh iyo Burco, ayaa kulamo dadweyne oo noocan ah loogu qabtay shacbiga iyo madaxda dawladdaha hoose iyo goleyaasha Deegaanka, iyada oo ay kulamadaasi su’aallo ku waydiiyeen dadweynuhu waxyaabaha ay qabteen, tabashooyinka laga qabo waxqabadkooda iyo waliba tallooyin loo jeediyey.

Kulamadan oo ay qabatay Hay’adda KMC, fulinaysana wasaaradda Arrimaha guduhu, ayaa looga gol-leeyahay in bulshada ay si daah-furan ugula xisaabtanto dawladdaha hoose iyo Goleyaasha Deegaanka ee ay soo doorteen, waxaana sidoo kale kulamadaasi iyo kuwo lamida lagu qaban doonaa bishan gudaheeda magaallooyinka, Hargeysa, Saylac, Boorama iyo Gabiley, kuwaasoo kamida siddeeda magaalo ee uu ka socdo Mashruuca JPLG-gu.

Dhinaca kale, waxa kulamadan loo qabanayo shacabka iyo Dawladdaha hoose, barbar socda tababbaro ku saabsan waddaniyada iyo nidaamka maamul-daadejinta oo la siinayo Ardayda dugsiyada iyo dhalinyarada ku dhaqan magaallooyinkaasi.

 

 

Leave a Reply