Shir Qiimayn ah oo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku Qabatay Berbera

0
425

Qore Khadar Cabdi Muuse

Berbera (Dawan): Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Cumar Cabdi Cali, ayaa shalay magaaladda Berbera ka furay shirka sanad laha ah ee lagu qiimeeyo waxyaabaha u hirgalay wasaaradaasi iyo qorshaha sanadadaha soo socda.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo lagu qiimayn doono waxyaabaha wasaaradda u hirgalay.

Sidoo kale waxaa shirkaasi lagu dejin doonaa qorshaha ay wasaaradda caafimaadku ku hawl gelayso sanadkan foodda inagu soo haya ee 2020-ka.

Waxaana furitaanka shirkaasi ka soo qayb galay wasiirka caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, badhasaabka gobolka Saaxil, maayarka degmadda Berbera, isu-duwayaasha wasaaradda caafimaadka ee gobollada Dalka.

Dhakhaatiir, xubno ka socday bahda caafimaadka, xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Berbera iyo masuuliyii kale.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Cumar Cabdi Cali, oo shirkaasi si rasmiya u furay ayaa hadal uu halkaas ka jeediyay waxa uu kaga hadlay masuuliyadda guud ee ay qaranka ugu xil saaran tahay wasaaradda caafimaadku.

Waxaanu sheegay in wasaaradu tahay mida ugu muhiimsan wasaaradaha dawladda, maadaama oo ay bixiso adeeg caafimaad, adeeg bixintaasi oo qayb ka ah qorshaha labaad ee horumarinta qaranka.

Wasiirka ayaa kula dar-daarmay dhakhaatiirta iyo masuuliyiinta kale ee ka shaqeeya caafimaadka ee shirk aka qayb gelaya in mudadda uu socdo in ay soo saaraan qorshe miisaaman oo lagu hawl gallo sanadka soo socda.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo shirka hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedooyinka laga leeyahay kulankaasi.

Waxaanu yidhi “Labadda u jeeddo ee ugu waaweyn ee aynu shirkani ka leenahay waxay yihiin, qiimayn aynu ku samaynayno, sanadihii tegay gaar ahaana sanadkii tegay. Wixii aynu ummada u qabanay, qiimayn aynu is qiimaynayo weeye.

U jeedadda labaad ee aynu ka leenahay shirkani waxa weeye, in aynu qorshayno sanadkan soo socda, wixii aynu ummada u qaban lahayn. Inagoo cashar ka qaadanayna sanadihii inaga tegay”.

Dhinaca kale waxaa halkaas hadalo ka jeediyay isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil oo ka waramay adeegyadda dhinaca caafimaadka ee ay siiyaan bulshadda gobolkaasi iyo waxyaabaha caqabadaha ah ee haysta.

Waxa kaloo iyagna halkaa ka hadlay maayarka Berbera iyo badhasaabka gobolka Saaxil oo wasaaradda caafimaadka Somaliland ku amaanay dedaalka ay ugu jirto in bulshadu ay helaan adeeg caafimaad oo wanaagsan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply