“Xidhiidhka Innaga iyo Dadweynaha Inoo Dhexeeya Waa Inaynu Wanaajino” Taliyaha Ciidanka Booliska JSL General Maxamed

0
604

Qore Mawliid Maxamed Siciid.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland General Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). Waa masuul ay ka go’antahay kor u qaadida iyo hagaajinta Tayada iyo Anshaxa ciidanka Booliska Somaliland. Iyada oo Taliyuhu uu muddo bil ah hayay xilka jananka ciidanka Booliska ka sokow ilaalinta Nabad gelyada iyo qaranimada oo uu gacan bir ah ku qabtay isla markaana adkeeyay ayaa markiiba waxa uu bilaabay kor u qaadida Niyadda iyo Mooral-ka ciidanka Booliska.

Iyadoo gobolada dalka qaar kamid uu ugu safray inuu dul istaago xaaladda guud ee ciidanka iyo sida ay u gudanayaan Waajibaadkooda shaqo ee ay qaranka u hayaan. General Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). Marka laga yimaado Aqoonta iyo waayo aragnimada uu u leeyahay arrimaha ciidanka, waa Daaci u taagan wanaag farridda iyo xumaan reebidda Bulshada, kaasi oo ku wacyigeliya Ciidanka iyo shacabkaba inay toosnaadaan isla markaasna awaamiirta allah ee ay ina farayso Diinta Islaamku ay fuliyaan, taasi oo ay kow ka tahay Salaadda iyo acmaasha khayrka ah ee soo raaca.

Sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), waxa uu kaga duwan yahay Jananadii ka horreeyay inuu Ciidanka booliska aad ugu dhiiri galiyo inay ka fogaadaan Khiyaanada, Beenta, Laaluushka iyo dhaqan xumada, isla markaana shaqada daacad u noqdaan oo ay wanaajiyaan xidhiidhka u dhexeeya ciidanka Booliska iyo shacabkooda ay u addeegayaan. Sidoo kale waxa uu Ciidanka Booliska markii ugu horraysay ka mamnuucay Cunista Jaadka, kaas oo waxwayn u dhimaya sharafta iyo karaamada ay huwan yihiin ciidanku. Isagoo u qudbadeynaanay Askarta ciidanka Booliska isla markaasna ka wacyi gelinaya Jaadka iyo dhibaatadiisa ayaa waxa uu yidhi. “JAADKU SADDEX GOORBA WAA MAMNUUC- Goobta shaqada ee Xarunta marka la joogo waa mamnuuc, marka ciidanku labisan yahay ee dirayska gashan yahayna inay qaataan Jaadku waa mamnuuc, Gaadhiga Ciidanka Booliska ee leh astaamaha ciidankanu waa mamnuuc inuu u istaago oo uu jaadka iibsado. Ninkii doonaya inuu rasaas isla dhaco aqalkaaga dhexdiisa iskula dhac”.

General Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). Waxa kale oo uu ballan qaaday isaga iyo ciidanka uu xukumaba inay caddaaladda ugu addeegi doonaan shacabkooda isla maarkaasna ku xukumi doonaan. Waxaanu xusay cid kastaaba waxa ay xaq u yeelato in la siin doono.

Muddadii bisha ahayd ee uu xilka hayay taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). waxa uu joojiyay mudaharaad uu guddoomiyaha xisbiga Waddani ugu baaqay taageerayaashiisa inay isugu yimaadaan. Waxaanu sheegay inaanay aqbalaynin waxaan sharci lahayn, iyadoo ciidanku Boolisku uu joojiyay inay isu yimaadaan taageerayaasha Xisbiga Waddani. Taliyuhu isagoo arrintaas mudaharaadka ka hadlayna waxa uu yidhi:- “Mudaharaad aan sharci lahayn inuu dhaco ama ummadi inay soo ururto marka dambena waxay doonto samayso aan sharciyaysnayn ma yeelayno”.

Si kastaba ha ahaatee taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale). marka la eego talaabooyinka uu qaaday waxa ka go’an in ciidanka Booliska uu kor u qaado horumarintoda isla markaana shacabka loogu addeego si cadaalad ah oo aan lahayn ku xad gudub dhanka xuquuqdooda ah. Sidoo kalena waa mid u feejigan ilaalinta iyo adkaynta Nabad gelyada JSL guud ahaanteed.

Leave a Reply