Muwaadin Unbalance iyo Sariiro Ugu Deeqay Cusbitaalka Burco

0
418

Brigham (Dawan): Marwo Layla Cabdillaahi, oo ka tirsan ururka Samofalka Midnimo Project ayaa baabuur kuwa gar-gaarka deg dega ah (Unbalance) iyo Sarriiraha kuwa bukaanka ah ugu deeqday cusbitaalka guud ee magaaladda Burco.

Waxaana baabuurkaasi iyo sarriirahaasi ka guddoomay xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco oo muddooyinkan hawlo shaqo u jooga dalka Ingiriiska.

Marwo Layla Cabdillaahi, ayaa ka tirsan ururka Midnimo Project oo ah urur ay ku bahoobeen haweenka gobolka Togdheer ka soo jeedda ee ku nool dalka Ingiriiska.

Iyadoo Layla Cabdillaahi, ayaa marar badan oo hore mashaariic horumarineed ka fulisay degaammo ka tirsan gobolka Togdheer.

Maro Layla, waxay sidan kaga dhawaaqday munaasibad soo dhawayn iyo casho sharaf ah oo uu ururka haweenka Midnimo Togdheer ee magaaladda Brigham ee dalka boqortooyadda Ingiriiska ay u sameeyeen xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi, oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Iyadoo xildhibaan Mubaarig Bidhi, muddooyinkan danbe uu hawlo shaqo u joogo dalka Ingiriiska oo ah dalkiisa labaad.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa halkaas ka balan qaaday in gaadhiga Unbalance-ka ah iyo sariirahaasi iyo daawooyin kaloo hore loogu wareejiyayba uu gaadhsiin doono masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer.

Geesta kale qaar ka mida xubnaha ururka Midnimo oo hadallo ka jeediyay munaasibadda soo dhawaynta ah ayaa xildhibaan Mubaarig Bidhi, ku amaanay dedaaladda mashaariicda horumarineed ee uu ka hirgeliyay degaamo ka tirsan gobolka Togdheer.

Waxaanay ururka haweenka Midnimo xildhibaanka guddoonsiiyeen shahaado sharaf ay ku maamuuseen.

Sidoo kale xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa uga mahad celiyay haweenka ururka Midnimo shahaado sharafta ay ku maamuuseen iyo soo dhawaynta ay u sameeyeen.

Waxaanu xildhibaan Bidhi, uga xog waramay halka ay marayso xaaladda dalka Somaliland. Waxaanu ugu baaqay in ay isku duubnaadaan, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan degaamadda dalka Somaliland.

 

Leave a Reply