Xaasid Ha Noqon!

0
1118
  • Xaasid ha noqon, xasadku waa inaad xisaabiso isla markaana aad ka xumaato, nimco qof kale Allah ku manaystay.
  • Naftaada been ha u sheegin, maaweelada iyo Khiyaaligana iska jir. HorumarkA noloshu waxay ku xidhan tahay ka faa’iidaysiga fursdadaha oo keliya.
  • Isk jir caajiska, wahsiga iyo shaqo nacaybka. Ku mashquuli nafta camalka wanaagsan, shaqo, Akhriska arrimaha faa’iidada leh.
  • Taariikhada hore waxba xusuusteeda haku dheerayn , waayo aragnimo ka qaado, ka dibna iska dhaaf.
  • Marka aad Dadka u qabato wax badan, waxay mar kasta sheegayaan wixi aanad u qaban, kordhi waxqabadka si kasta oo xaaladuhu u adag yihiin
  • Haddii aad tahay qof daacad ah oo Naxariis badan, waxaad arkeysaa dad badan oo ku dhaleecaynaya, weligaa daacad ahow

Leave a Reply