Ciidmada Booliska oo ka Hadalay Dambiyadii Todobaadkan ka Dhacay Somaliland

0
512

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Taliska guud ee ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey, faldambiyeedyadii ka dhacay gudaha Somaliland todobaadkii la soo dhaafay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen askari dil ka geystay magaalada Tog-wajaale, iyo gaadhi xamuula oo lala baxsaday.

Dhinaca kale, waxaa uu taliska boolisku ka warbixiyey mudaharaad ka dhacay magaalada Tog-wajaale, oo xubno ka tirsan ciidamada boolisku ay faro-saareen haween ka mida bulshadaa reer Wajaale.

Sidoo kale waxaa uu xusay in fal-danbiyeedkasta oo dhaca uu amray taliyaha guud ee ciidanka Booliska Somaliland in bulshadda lala wadaago.

Waxaana sidan warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka danbi-baadhista Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi oo ay hareero fadhiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka boolisku.

Taliyaha ciidanka danbi-baadhista Somaliland gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “In aanu bulshadda la socod-siino faldanbiyeed kasta oo dhaca waxaa sidaasi amray taliyaha ciidanka booliska Somaliland, magaalada Hargeysa taariikhdu markay aheyd 23/12/2019 abaarro labadii habbeenimo, waxaa gaadhi weyn oo UD-ah laga dhex kaxeystay gudaha magaalada Hargeysa, waxaana kaxaystay Kirish-boygii gaadhiga la socodday, waxaana ciidamada booliska meelkasta oo ay ku sugan yihiin lagu amray inay qabtaan gaadhigaasi, maadaama uu soo maray Gadhka Warsame Xaad oo ah soonaha saldhiga Oodweyne iyaga ayaana gacanta ku dhigay baabuurkaasi UD-ga ah, waxaaney ku qabteen dooxa Dawaale oo 30-km dhinaca waqooyi ka xiga Oodweyne isaga oo badqaba”

Sidoo kale taliye Faysal Xiis waxaa uu daboolka ka qaaday in la qabtay askari dil ka geystay gudaha degmadda Togwajaale iyo laba askari oo kula jira kiiskaasi, islamarkaana jeelka loo taxaabay waxaanu yidhi “Waxaa dambi ka dhacay magaalada Togwajaale, askari Boolisa ayaa si ula kac ah u dilay marxuum reer Somaliland ah, ciidanka Booliskuna gacanta ayay ku soo dhigeen isaga iyo labadii askari ee la socday ee budhcadnimadda geystay, iyaguna waa ay xidhan yihiin, waxaana markiiba loo gudbiyey xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, askarigii danbigaasi galay waa qiraal sida uu qabo qodobka 68-aad ee xeerka habka ciqaabta.

Waxaana kiiskooda loo gudbiyay maxkamadda iyo xeer ilaalinta awooda u leh si deg degga ayaa maxkamadda loo horkeeni doona iyadda oo lagu qaadi doono danbigaasi uu geystay”

Dhinaca kale waxaa uu taliska boolisku ka warbixiyey mudaharaad ka dhacay magaalada Tog-wajaale, oo xubno ka tirsan ciidamada boolisku ay faro-saareen haween ka mida bulshadaa reer Wajaale “Markii dilkaasi dhacay waxaa magaalada Wajaale ka dhacay bannaan-bax ay dadweynuhu sameeyeen, hase ahaate magaaladda oo ah mid ganacsi ciidamadu waa ay xakameeyeen dadkii shoobarahaasi sameynayay.

Isaga oo bannaan-bixi socdo ayaa niman ka tirsan ciidanka boolisku waxaa ay fara-ser ku sameeyeen qof dumarra oo ka mida kuwii bannaan-baxaasi sameynayay, iyadda oo baraha bulshadana si qaldan loogu faafiyay falkaasi, taliyaha ciidanka boolisku waxaa uu amar ku bixiyay in la soo qabto ciidankii fara saaray islaantaasi waana la soo qabtay, wey xidhan yihiin waxaana la horkeeni doona maxkamadda iyo xeer ilaalinta awooda u leh qaadista danbigaasi”

 

 

Leave a Reply