Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qaabilay Ciyaartooy Ka Socday Kenya

0
401

“Waxaan rejaynayaa in koox Somaliland ka socotaa ay idiin iman doonaan oo ay Kenya idinkula soo ciyaari doonaan”… C/raxmaan Saylici

 

 

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya.

Kooxdaasi oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu si gaar ah u hambalyeeyay masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda Somaliland iyo wasaaradda Ciyaaraha iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Kenya oo madasha ku sugnaa.

Waxaanu kooxda ka socota dalka Kenya ugu xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo nabadda taalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Waxaa maanta (shalay) farxad aad u weyn ii ah in aan halkan (madaxtooyadda) idinku qaabilo, kooxdiinan ciyaartooyga ah ee ka timid dalka Kenya.

Waxaan ugu hambalyaynayaa safiirka Somaliland Kenya u jooga oo hawshan ka soo shaqeeyay. Wasaaradda arrimaha dibadda, wasaaradda ciyaaraha iyo wasiirkii hore ee cadaaladda Somaliland.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aad timaadeen Somaliland, waxaanay ka mid tahay waxyaabaha dalalku isku gudbiyaan. Dhaqanka iyo dhaqaalaha iyo is-barashadda. Ciyaaruhu-na waxay ka mid yihiin waxyaabaha dadku isku bartaan ama isku dhex galaan”.

Waxa kaloo uu tilmaamay madaxweyne ku-xigeenku in Somaliland iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, isla markaana dalka Kenya ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan ka soo jeedda Somaliland.

“Aad iyo aad bay farxad noogu tahay in koox ka timid Kenya, oo ka mida wadamadda aanu wax badan wadaagno, oo aanu isku mustac-marad aanu ahayn. Iyadoo ay Kenya ku nool yihiin maanta dad badan oo asal ahaan ka soo jeedda Somaliland.

In kooxdan ciyaartooyga ah ay yimaadaan Somaliland, oo kooxaha Somaliland la ciyaaraan, iyadoo wakhtigu cidhiidhi ku ahaa, oo ay ahayd in lixda magaallo ee waaweyn ee Somaliland ay tagaan. Laakiin, waxaa suurto gashay uun saddex magaalo in aad gaadheen, iyadoo wakhtigu idinku cidhiidhi ahaa”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Geesta kale C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay in ay rejaynayaan in koox ciyaartooy reer Somaliland ah iyaga-na dalkoodda Kenya ugu iman doonaan si ay ciyaarro saaxiibtinimo u wada yeeshaan.

Maadaama oo maalmihii ay kooxdan ciyaartooyga reer Kenya ay joogeen Somaliland in ay la soo ciyaareen kooxo kala jira magaalooyinka Hargaysa, Boorama iyo Berbera.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan rejaynaynaa in aad marka danbe magaalooyinka kale-na aad gaadhin doontaan, oo aad wakhti intan ka badan soo qaadan doontaan. Waxa kaloon rejaynayaa in koox Somaliland ka socotaa ay idiin iman doonaan insha ALLAAH, oo ay Kenya idinkula soo ciyaari doonaan.

Aad iyo aad baanu idiin soo dhawaynaynaa, si wanaagsan ayaanan idiin sagootiyaynaa. Waxaan ILLAAHAY SWT idiinka rejaynaynaa in uu nabad qab idinku gaadhsiiyo dalkiinii”.

Dhinaca kale kooxda kubbadda cagta ee SINDO UNITED oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan dalka Kenya, ayaa muddadii ay Somaliland ku sugnaayeen Somaliland waxay kulamo ciyaareed la yeesheen kooxo Kubbadda cagta ah oo ka dhisan magaalooyinka Hargaysa, Berbera iyo Boorama.

Waxaanay kooxdan ciyaartooyga ah ee ka socday dalka Kenya isla shalayba ku laabteen dalkoodda Kenya. Iyadoo ay sii sagootiyeen wasiirka ciyaaraha Somaliland iyo masuuliyiin kale.

 

 

 

 

Leave a Reply