Guddoomiyaha UCID oo Naqdiyay Siyaasadda Farmaajaha Muqdisho

0
463

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa naqdiyay Madaxweynaha Dawlada Cagojiidka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Faysal Cali Waraabe oo Shalay la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu Sheegay in Farmaajo aanu garanayn Taariiikhda Somaliland, isla markaana uu caadeystay Cadaawada uu u hayo Somaliland.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mawqifka Somaliland ee ku saabsan Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dawlada Farmaajo la kulmi mayno xasuuq ayuu kula kacay Maxamed Siyaad Bare dadka reer Somaliland, Dawladaha Talyaaniga iyo Masaarida ayaa damcay 1989-kii in ay isu keenaan SNM iyo Marxuum Maxamed Siyaad Bare, ururkii SNM waa diiday oo halgankii ayaa socday wixii uu ku kacay Siyaad Barre qof Soomaaliyeed ayay ka suurta galaysaa laysma lahayn”.

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Farmaajo iyo Ciyaalkan uu ku soo urursaday Muqdisho waxa uu wadaa fikradii iyo Cadaawadii Siyaad Barre, markaa sidii adeerkii ayuu u socdaa Farmaajo, Mana garanayo Taariikhda Somaliland markaa maaha in kaas oo kale lala fadhiisto oo Wadahadal lal yeesho. niman reer Somaliland ah ayuuna ku soo daray gudidii Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya lana fadhhisan mayno oo waa hadhaagii Siyaad Barre.”

 

Leave a Reply