Sheekh DIrir: “Diinta Islaamku way Mamnuucday u Dabaaldega Sannadka cusub ee Gaalada.”

0
597

Hargeysa(Dawan):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday in  Culimada Islaamku ay isku waafaqsan yihiin inay xaaraan tahay isu-ekeysiinta nimanka gaalada  iyo in ciidahooda la xaadiro.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha ee shalay uu kaga hadlay ciidaha Gaalada iyo waxa shareecada Islaamku ka qabto ayaa ku bilaabay, Waxaynu ka hadlaynaa Ciidaha Gaalada, ayaamahan aynu joogno waa maalmahii Gaaladu Ciidahooda u xafladeynayeen, doraad waxaynu soo dhaafnay 25-kii, oo ay yidhaahdaan waa maalintii Nebi Ciise CS dhashay iyo sannadkoodii cusbaa, oo maalmo ka dib ku began. Waxyar waxaynu ka xusaynaa taariikhda ay leeyahiin, shareecadeenu waxay ka qabto ama daliilada diidaya iyo xikmada loo diiday.

“Ugu horeyn taariikhda 25-ka Dec ee ay yidhaahdeen Nebi Ciise CS ayaa dhashay maaha xaqiiqo jirta. Sida nimanka taariikhyahanadoodu ay sheegaan, bishii iyo wakhtigii uu Ciise dhashay midna maaha ayey kutubtooda taariikhda ku sheegeen qofkii akhriya. Iska daa inay tahee, waxa la sheegay inuu ahaa sannadkii afar-boqolaad ee taariikhda Miilaadiga inay sheegaan inuu taariikhdan dhashay Nebi Ciise CS. Waxay kaloo sheegeen in ciidan laga soo qaatay nimankii dab-caabudka ee reer Faaris. Arrinta Geedka Kiristaanka faraaryaha leh ee Gaaladu samaystaan, iyana waa arrin ay nimankii dab-caabudka ka soo qaateen.” Ayuu yidhi sheekh Maxamed, isagoo ka sii hadlaya sannadka cusub iyo taariikhdiisa waxuu yidhi,

“Marka la eego sannadka cusub, isaguna Miilaadi maaha, isaguna waxay ahayd taariikh ay  nimankii Giriiga iyo kuwii Dab-caabudka lahaayeen, ee mid Nebi Ciise CS dhashay ma ahayn. Waxyaalaha la yaabka badan ee ka turjumaya khuraafaadka ay aaminsan yihiin Gaaladu ciidan waxa ka mid ah cabitaanka Khamriga, oo habeenkaa sannadka cusub dhalanaya la badiyo cabitaankiisa, sidoo kale hadii guryaha la nadiifiyo dheeftii wanaagsanayd ayaa raacaysa ayey yidhaahdaan, markaa waa in dhasku iska joogo, iyo waxyaalo kale, markaa waxa muuqanaya in taariikhdu aanay sax ahayn.

Sheekh Maxamed oo faahfaahin ka bixinayey waxa shareecada Islaamku ka qabto ayaa yidhi  ugu horeyn Islaamka waxa loo diiday inay gacaltooyo la sameeyaan Gaalada, ama la dabaaldegto oo la faraxdo ciidahooda, waxaanu yidhi

“Ilaahay baa  Quraanka inoogu sheegay, “Yahuuda iyo Nasaarada gacal haka dhiganina, iyagaa gacal iyo xigto isku ah, qofka idinka mid ah ee gacaltooyo la yeesha iyaguu ka mid yahay. Waxa kaloo shareecadeena la inoogu diiday inaynu Gaalada isku ekeysiino, waxii diin ah, dhaqan ah, akhlaaq ah, farxadaha noocaas oo kale ah, sida Ilaahay Quraanka inoogu sheegay ‘Dariiqooda ha marina kuwa Ilaahay dembiga ka galay qofka muslimka ahow’. Rasuulkuna NNKH waxuu yidhi “Qofka qolo isku ekeysiiya, iyaguu ka mid yahay”. Waxa kaloo Rasuulku CS ku celcelin jiray in la khilaafo qolyaha Gaalada. Waxa kaloo culimadu ku fasireen marka Ilaahay ka hadlayey ‘Ma tagaan Suurka” waa ciidaha Gaalada.

Waxa sharciga Islaamku inna faray inaynu gooni ka noqono, oo aynaan ku darsamin. Sidaa daraadeed Nebigu NNKH waxuu magaalada Madiina tegay iyagoo laba ciidood leh, mid Neyruush la yidhaahdo iyo mid Mehrajaan la yidhaahdo, markuu weydiiyey waxay yidhaahdeen waan dabaaldegaa, Rasuulku NNKH waxuu ku yidhi ‘Labadaa iska dhaafa, lab aka kheyr badan ayuu Ilaahay idiinku bedelay Ciidul-FITRI iyo Ciidul-ADXAA, oo wuu ka joojiyey Nebigu NNKH ummadii Islaamka. Sidaa darted innagu ciidaheena ayeynu dabaaldegaynaa, oo wwaxii sharcigu inoo ogol yahay ku xusayna.

Waxa kaloo innaga la inoo diiday aqbalaada hadyadahooda, innagoo ku weynaynayna, culimaduna intooda badan waxay u arkaan maalmahaa in hadyadahooda la aqbalo karaahiyo. Tahniyada maalinta sannadka cusub ayaa iyadana la diiday, maadama ay tilmaamayso inaad shaygan ku faraxsan tahay, qofkana ku akidayso, waxa uu ku socdaana sax maaha ee waa baadil, in lagu hambalyeeyo sax maaha.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Culimada Islaamku  isku waafaqsan yihiin inay xaaraan tahay isu-ekeysiinta  nimanka gaalada  iyo in ciidahooda la xaadiro. Asxaabtiina hormood ayey ka ahaayeen, waxaanu yidhi,

“Saxaabigii Cabdilaahi ibnu Camr ayaa yidhi ‘Qofka maalgashada ee dhisa wadamadda Gaalada, ciidahoodana la xusa, iyagana isku ekeysiiya, sidaana u noolaada ilaa geeridiisa, aakhiro iyaga (gaalada) ayaa lala sooxaadiriyaa’. Cumar binu Khadaab RC isaguna waxuu yidhi, ‘Maalinta ay xafladeynayaan Gaalada macbadyadooda iyo Kiniisadahooda ha ugu tegina, waxa ku soo degaysa Cadho Alle’ intaasi waa xukumkii sharciga ahaa iyo daliiladii ku soo arooray iyo mowqifka asxaabtii iyo muslimiintu iska taageen.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey xikmada loo diiday ka qeybgalka iyo la wadaaga ciidaha Gaalada ayaa sheegay in hadaad shay u xafladeyso muujinayso inaad jeceshahay, waxaanu yidhi,

“Gaal iyo Gaalnimadiisa inaad u xafladeyso oo ku taageerto una dabaaldegto waxay sheegaysaa inaad jeclaatay Gaalnimadiisa, taasina waa xaaraan. Arrinta labaad waa inuu fasaadku ku badan yahay, iyo wax badan oo macaasi Ilaahay ka cadhaysiinaya, sida khamriga iyo caadooyin gaalnimmo kala noocnooc ah, sinno aan laga waayeyn iyo hordhaceeda. Arrinka saddexaad ee loo diiday waa xaflado ka turjumaya diimo baadil ah, diin baadil ahna muslimiintu way ka durkaane, kama ag dhowaadaan. Arrinta afaraad waa abtirsiimada ummada Islaamka oo in iyaga lagu deydo mooyee, aanay cid kale ku deyan Karin, waa tii taariikhda Hijriyada la qorayey Cumar binu Khadaab u diiday in taariikhda Miilaadiga la qaato, xitaa markii Eedaanka la soo rogay dawanka la garaaco iyo carooga Yuhuudu isticmaasho waxuu Rasuulku NNKH uga tegay inaan diimaha Gaalada lagu deyan. Arrinka shanaad, caruurteenii ayaa innagu deyanaya, aabayaasheen iyo hooyooyinkeen way xusi jireen, iyaguna way innagu deyanayaan. Arrinka lixaad ee xikmada loo diiday waa iyaguba Gaaladu intay ciidaha FITRIGA iyo ADXAA inoo yimaadaan inooma camiraan, oo kuma farxaan, xitaa intay awoodi karaan dadka way ku nacaan, oo ku karaahiyeystaan, maxaa iyagana u diiday, adigana ku daba geliyey, adigoo diintaadu xaq tahay. Lixdaa arrimood waa kuwo innagu qancinaya inaynu iskaga hadhno, nacasnimmo weyna waxa noqonaya in da’yartu iyo reer magaalku u arkaan waxii Gaalo ka yimaada ilbaxnimmo u arkaan ciidahii Kiniisadaha iyo Gaalada, waa nasiibdarro, sidaa darted waxaynu dhiirigelinaynaa, mujtamaceenana u sheegaynaa da’ yarta iyo dibeda jaaliyadaha ku nool iyo dadka mulkiilayaasha hudheelada, mowqifkii sharcigu waa kaase, ninkii diintiisa ku dhaqmaya, wa ainuu ilaaliyo, oo tixgeliyo, isagoo Ilaahay ugu dhowaanaya, munkarkana iska daayo, Ilaahay ha inna waafajiyo dhamaanteen, aamiin.

Leave a Reply