Taliska Booliska ayaa Sheegay in Siyaasi Ramaax uu u xidhanyahay Aflagaado iyo Ceebayn uu u Gaystay Guddoomiyaha Baarlamaanka

0
425

Qore Khadar M. Dhako.

 

Hargaysa (Dawan) Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ka hadlay sababta loo Xidhay Xoghayihii Arimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle sarre Faysal Xiis Cilmi oo Warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in uu ku eedaysan yahay Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax aflagaado iyo Ceebayn uu u gaystay Guddoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland Baashe Maxamed,waxaanu intaas ku daray in la hor gayn doona Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta awoodda u leh.

 

 

Taliye Faysal Xiis Cilmi oo arrimahaa  ka hadlayayna waxa uu yidhi“Ciidamada Boolisku waxay soo xidheen Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax waxaana lagu eedaynayaa in uu aflagaado iyo Ceebayn uu u gaystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland,waxaanay ahayd aflagaadadaas uu u gaystay oo uu yidhi waxa uu Xidhiidh la leeyahay Guddoomiyaha Baarlamaanku dad cadaw ku ah Somaliland taasina waa faldambiyeed,taas ayuuna ka soo dacwooday Guddoomiyaha Baarlamaanka isaga oo shakhsi ah sifihii Sharciga ahaa ayuu soo maray.waxaana uu Ciidanka Booliska ka dalbaday warqada qabashada waana loo sheegay Maxamuud Cali Saleebaan markii la qabanayay in waarankaa lagu soo xidhay.waxyaabahan kale ee uu ka hadlay Ramaax ma ogin waxa aanu haynaa oo kaliya oo waaranka loogu soo jaray aflagaadadaa iyo Ceebayntaa uu u gaystay Guddoomiyaha Baarlamaanka,taas ayuuna u xidhanyahay waxaana lagu hor gayn doonaa 48 Saacadood gudahood Maxkamadda iyo Xeer Ilaalinta awooda u leh”.

 

 

Leave a Reply