Anigu Sidaada Ayaan Jaahil Ahay!

0
779

Albert Einstein wuxu ku dhashay Jarmalka waxaana uu ahaa Physicist aqoon sare u leh.  Waa aqoonyahanka taduwurka iyo horumarka ku sameeyay mid ka mad ah labada aragtiyood ee tiirka u ah Physictka casriga ah.

Albert Einstein Wuxu ahaa Aqoonyahan cilmiga Fisigiska ah, waxaana uu aad u isticmaali jiray muraayada indhaha marka uu akhriska samayanayo. Maalin ayuu huteel fadhiistay si uu raashin uga dalbado, waxaana loo keenay warqadii liiska cuntada huteelka diyaarka ku ah. Laakiin maalintaasi nasiib daro wuxu soo ilaabay muraayadiisa akhriska.

Markii uu warqada u dhiibay Mudalabku ayuu ku yidhi  “ii akhri waxa ku qoran “, laakiin mudalabkii ayaa ugu jawaabay “waan ka xumahay aniguna sidaada ayaan ahay mid jaahil ah oo aan waxba akhriyin”.  Sidaasi ayay dad badani xaalado aanay fahmin uga qaataan qiimayn khaldan oo laga yaabo inay dhibaato ku keento.  Albert Einstein wuxu ku dhintay dalka Maraykanka bishii April 18, sanadkii 1955 isagoo 76 sano jiray.

 

Leave a Reply