Maalin kasta marka uu ninka beeralayda ahi yimaado magaalada wuxuu keeni jiray subag ay gabadhiisu samaysay isagoo ku soo qaadi jiray weel uu qiyaas ahaan ka dhigay hal kiilo.
Waxaana uu ka iibin jiray nin lahaa goob Booshari ah oo macmiil u ahaa oo isaguna ka iibsan jiray wixii uu u baahnaa ee sonkor, shaah, Roodhi iyo kolba wixii kale ee u baahdo.
Ninka booshariga ayaa maalin ka shakiyay inu miisaanka subagu yahay halka kiiloo ee uu ugu sheego kana yar yahay, ka dibna wuu miisaamay, waxaana uu noqday 900 Gr, iyadoo 100Gr iska dhimeen Kiiloogii, mar labaad ayuu ku celiyay isla sidiisii ayuu noqday.
Ninka booshariga ayaa aad u cadhooday isagoo ka xumaaday sida u kaska ah ee uu ninkan Beeralaydi ahi u khiyaameeyn jiray maalin kasta.
Maalintii danbe markii uu keenay subagii ayuu isagoo cadhaysan ku yidhi “ Anigu macmiil kuuma noqon karo khaayin ayaad tahay kiiloo kasta waxa ka dhiman 100Gr.”
Ninkii beeralayda ahaa ayaa madaxa ruxay, waxaanu ku yidhi “Anagu waxaanu nahay dad sabool ah, mana haysano miisaan, laakiin adiga waxaan ka iibsadaa maalin kasta Kiilo sonkor ah kaasi ayaan ku soo qiyaasaa”.
Markaa haddii uu dhiman yahay subagu adiga-na waxaa dhiman kiilooga sonkorta ah. Ogow markasta oo aad isku daydo in aad dadka khiyaamayso inay adiga kugu dhacayso.