Masuuliyiinta Dawladda hoose ee Gabiley oo bulshada uga Xog-waramay Waxqabadka Mashaariicda Maamul-daadejinta

0
538

Qore: Saleeban Cabdi Cali Kalshaale

Gabiley (Dawan)- Maayar ku-xigeenka Magaalada Gabiley oo ay weheliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka iyo xubno kamida agaasimeyaasha waaxyaha Dawladda hoose ee Degmada Gabiley oo ka qaybgalay kulan dadweyne oo lagu qabtay hoolka Shirarka ee Dawladda hoose, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariic kala duwan oo laga hir-geliyey barmaamujka Maamul-daadejinta Dawladdaha hoose ee JPLG-ga, kuwo socda iyo qaar qorshaha sanadkan ku jira.

Shirkan oo ay qabanqaabisay Hay’adda KMC, isla markaana qayb ka ah mashruuca Wadaaga ah ee maamul-daadejinta dawladdaha hoose ee JPLG-ga oo ay fulinayso Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, hore loogu soo qabtay lix magaalo oo uu ka socdo barmaamujka JPLG-gu bishii dhamaatay ee December, ayaa waxa ka qaybgalay guddiyada xaafadaha magaalada iyo dadweyne kale oo isugu jira waayeel iyo waxgarad, kuwaasoo dhankooda talooyin iyo su’aallo la xidhiidha waxqabadka dawladda hoose ku waydiiyey Masuuliyiinta iyo xildhibaanada Golaha Deegaanka ee kulanka ka qaybgalay.

Ugu horayn Sarkaal ka socday Hay’adda KMC ee kulankan qabatay ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada loo qabtay, waxaanu sheegay in barmaamujkani daaran yahay inay bulshadu si daah-furan ula isla-xisaabtanto Maayirrada iyo xildhibaanada goleyaasha deegaanka ee ay soo doorteen, isla markaana ka qayb-qaadato dejinta qorsheyaasha wax lagaga qabanayo kaabeyaasha kala duwan ee aasaasiga ah.

Maayir ku-xigeenka, ahna Guddoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka ee Magaalada Gabiley Cabdi Yusuf Daahir oo isna madashaasi ka jeediyey warbixin dheer oo ku saabsan sida ay dawladda hoose ee Gabiley uga faa’daysatay mashruuca JPLG-gu intii uu ka socday, ayaa sheegay in qoondooyinkii ay ku bilaabeen adeegyada barmaamujkan laga maal-geliya ay saddex jibaar kor u dhaafeen. “markii mashruucan uu bilaabmay waxbarashada waxaanu ku maal-gelinay $70,000 dollar, iminkana waxa uu marayaa $220,000 oo doolar oo sanadkan lagu maal-geliyey waxbarashada, Caafimaadka waxaaanu ku bilownay $50,000, sanadkana waxa la geliyey $210,000 oo dollar. waxaanu bil walba konton dollar oo Mushahar ah siinaa 70 Macalin oo ka howlgala Dugsiyada Gabilay. waxaanu dhisnay waddooyin badan, Xarumo caafimaad.

“sanadkan waxa qorshaha noogu jira in aanu afar gaadhi u iibino xarumaha caafimaadka ee xaafadaha magaalada, in aanu dhisno xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen guddiyada Xaafadduhu iyo dugsigii farsamada gacanta.”ayuu yidhi Maayir ku-xigeenka Magaalada Gabiley

Xildhibaan Axmed Siciid Kibaar, Xildhibaan Axmed Cali Maxamed iyo Agaasimaha Arrimaha bulshada ee Dawladda hoose Yusuf Xasan Jamaal oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa si weyn u amaanay barmaamujka waxbarashada Madaniga ah oo barbar socday kulamada lagu qabtay magaalooyinka, taasoo ardayda dugsiyada lagu tababarayo Waddaniyada iyo Dawladdaha hoose, isla markaana loo qabtay Ardayda Dugsiga hoose dhexe ee New Gabiley.

Xildhibaannada iyo agaasimuhu, waxa kale oo ay intaasi ku dareen in Golaha Deegaanka iyo Dawladda hoose, si hagar la’aan ah ugu howlan yihiin horumarinta adeegyada bulshada, dhismaha kaabeyaasha aasaasiga ah iyo gudashada waajibaadka iyo masuuliyada saaran, waxaanay tilmaaneen in aan waxba u qabsoomeen shacbiga la’aantii, mar walbana ay rajjeynayaan in wada shaqaynta bulshada ka dhaxaysaa sii hagaagto.

Ugu dambeyn xubno kamida ka soo qaybgaleyaasha kulankan ayaa halkaasi su’aallo ku waydiiyey masuuliyiinta iyo xildhibaanada, waxaanay sidoo kale ku taageereen waxqabadka loo soo bandhigay oo ay bogaadiyeen, iyagoo dhanka kalena qaarkood dalbadeen in xafiisyada xaafadaha loo sameeyo gaadiid ay ku shaqeeyaan guddiyadu.

 

 

Leave a Reply