Xukuumadda Oo Dhagaxdhigtay Waddada Isku Xidhaysa Wadaamo-Goo Iyo Buuhoodle

0
617

Wadaamo-goo (Dawani Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay waddadu isku xidhaysa magaalooyinka Waadaama-goo, iyo Buuhoodle taasoo loo bixiyey inay noqoto waddada nabadda ee u kala gudbaysa degaannada Gobollada Saraar, Togdheer iyo Buuhoodle.

Xafladda lagu dhagax-dhigay dhismaha waddadan, waxa kaloo goob-joog ka ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland, masuuliyiinta degmooyinka Qori-lugud, Waadaamo-goo iyo maamulka Gobolka Saraar,iyo xubno ka socday Buuhoodle kuwaasoo ka xog-waramay muhiimadda ay dhismaha waddadu u yeelan doonto bulshada degaanka iyo guud ahaanba dalka Somaliland, maadaama ay tahay jid weyn oo isku xidhaya saddex gobol oo bariga Somaliland ah. 

Guddoomiyaha Guddida Dhismaha jidka isku xidhaya Qori-lugud iyo Waadaamo-goo Mr. Xasan Mataan, maayirrada degmooyinka Quri-lugud iyo Waadaamo-goo oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dhismaha waddadan hadda la dhagax-dhigay iyo qorshayaasha loo dejiyey sidii loo dhammaystiri lahaa jidkaas, iyagoo xusay in waddadani tahay mid isku xidhaysa degaannada Saraar iyo Buuhoodle, isla markaana ay noqon doonto mid qayb weyn ka qaadata horumarka iyo nabadgelyada guud, waxayna ballanqaadeen inay qayb laxaadle ka qaadan doonaan dhammaystirka jidkaas muhiimka ah.

Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ballanqaaday inay Hay’ad ahaan gacan-weyn ka gaysan doonaan dhismaha waddada nabadda ee isku xidhaysa Degaannada Qori-lugud iyo Waadaamo-goo, taasoo sidoo kale ah jid hal-bawle ah oo ay isticmaalaan gaadiidka u kala safraya dalalka Somaliland, Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo xusay inay horumarinta iyo dhammaystirka jidkaas ay gacanta ku wada hayn doonaan dowladda Somaliland iyo dadweynaha ka soo jeeda degaannada ay marayso, la iskana kaashan doono sidii looga dhigi lahaa jid casri ah oo horumar u soo jiida degaannada ay marayso iyo guud ahaanba dalka Somaliland.

Wasiirka Gaadiikda iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeediyey xafladda lagu dhagax-dhigay jidka nabadda ee isku xidhaya Gobollada Saraar, Togdheer iyo Buuhoodle, ayaa si ballaadhan ugu mahad-celiyey cidkasta oo ka qaybqaadatay diyaarinta iyo hindisaha lagu dhisayo waddadan, isagoo caddeeyey inay dowlad ahaan taageero ka gaysan doonaan, kana shaqayn doonaan sidii loo dhammaystiri lahaa, waxaannu xusay in jidka u dhexeeya Qori-lugud iyo Waadaamo-goo uu qayb ka ahaa ballanqaadyada barnaamijkii uu xisbiga KULMIYE ku galay ololihii doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2017-kii.

“Waddadani waxa ay ka mid tahay waddooyinka ku jira barnaamijka xisbiga KULMIYE uu ku galay doorashadii Madaxtooyada, markaa Insha Allaah waxa aannu rajaynaynaa in Ilaahay (SWT) inoo rumayn doono riyadaas aynu maanta u joogno, waxaanan ku kalsoonnahay in aynu waddadaas dhisi karno, awooddeenna, aqoonteena iyo maanta waayo-aragnimada aynu ka helnay waddooyinka badan ee aynu dhisnay, dowladduna markaa wixii kharash ah ee la xidhiidha hawl-socodsiinta (running cost), haddii ay noqoto shidaalka ama ha noqoto aqoon oo Injineerrada dhisaya ah ama farsamo ha noqotee dowladdu marna idinka gacan la’aan mayso,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan.

 

 

 

Leave a Reply