Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay u Baahan yihiin Madaxweyne ka Macquulsan Farmaajo

0
528

Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid aan hagaagsanayn tan iyo markii lagu dhawaaqay Somaliland inay dib ugala soo noqotay madaxbanaanidooda qaybaha kale ee Soomaaliya 1991-kii. Khilaafka siyaasadeed ayaa sii kululaaday tan iyo markii madaxweyne Farmaajo xafiiska la wareegey. Hadda, bilowga wadahadal kasta oo lala galo dowladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya waxay u baahantahay in la helo madaxweyne lagu kalsoonaan karo marka loo eego hogaaminta Farmaajo.

Faallo qoraa Muuse Jeex ku qoray luuqada Ingiriiska laguna baahiyey mareegta HornDiplomat shalay oo wargeyska Dawan soo turjumay ayaa la raaciyey: Ka dib xiisadihii siyaasadeed ee ka dhex aloosmay labada dawladood labadii sanno ee la soo dhaafay waxay caddeeyeen in wadahadaladu u baahan yihiin inay lahaadaan hoggaan wanaagsan oo ka yimaada dowladda federaalka. Ujeeddadan awgeed, Somaliland waa dal maamulaya arrimaheeda iyada oo aan lahayn wax saameyn ah oo dibadda ah halka Soomaaliya ay wali dhexda kaga jirto siyaasadaha caalamiga ah ee kala duwan halkaas oo maamulka hadda ka jira Muqdisho uu lumiyay kalsoonida lagu mideynayo shanta dowlad goboleed isla markaana weli ku mashquulsan sidii loo carqaladeyn lahaa Somaliland oo nabad iyo xasilooni ku naaloonaysa. Waxaan rumeysanahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay u baahan yihiin wada hadal dhab ah mustaqbalkooda si dhakhso ah gaar ahaan marka uu maamulka Farmaajo meesha ka baxo.

Dawladda Somaliland ma aha inay wada hadal la gasho maamulka Muqdisho, illaa marka hore ay fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii hore. Waan ku raacsanahay ergayga gaarka ah ee Somaliland ee wada hadalka Soomaaliya, Drs. Edna Aadan oo shaaca ka qaaday in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Soomaaliya marka dowladda federaalka ay fuliso qodobbadii lagu heshiiyay shirarkii hore.

Marka loo eego aragtidayda, Somaliland waxay soo dhawaysay wada hadalada labada dhinac, laakiin nasiib xumo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa meesha ka saaray dhamaan qodobbadii lagu heshiiyay, maalin ayuu hurdada ka toosay wuxuuna sheegay in saxiixyadiisi madaxweynayaashii hore oo dhan la baabi’iyey.

Su’aashu waxay tahay, wada hadaladaan loo baahan yahay dib maloogu soo celin doonaa heshiisyadii hore? Haddii heshiisyadii hore ay yihiin kuwa waxba kama jiraan ah, markaa wadahadal kasta oo cusubi uma qalmo dadaalkiisa. Wadahadalladu waxay u baahan yihiin madaxweyne macquul ah, oo ay doorteen dadka Soomaaliyeed, si ay u ixtiraamaan waxa ay madaxweynayaashii hore ku heshiiyeen, xushmeeyaan ayna leeyihiin awood ay ku hormariyaan wadahadallada. Somaliland ayaa ka baxday wada hadaladii ay la lahayd Soomaaliya iyaga oo ka mudaaharaadaya guddiga cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo kaas oo u ku jiro madaxweynihii hore ee Siyaad Barre soddogii. Waxaa cadaatay in magacaabida General C/ qaadir Xuseen Guulwade ay dib u soo celinayso xasuusaha xasuuqii dadka reer Somaliland ee sannadahii 1980-yadii.

Ugu dambayntii, waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Somaliland inuu baajiyo wada hadal kasta, haddii aanay heshiisyadii hore meelmarinayn maamulka haatan jira ee Muqdisho, ama mid damboo mustaqbalka yimaada ba.

Leave a Reply