Wasiirka Diinta oo Shaaciyey Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Gudniinka Fircooniga ah

0
806

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Shaaciyey Guddi Culimo heer Qaran ah oo ka shaqay doonta la-dagaallanka Gudniinka iyo cidhib-tirka dhibaatooyinka uu ku keeno gabdhaha iyo guud ahaan Haweenka.

Guddigan oo marka la soo koobo la yidhaahdo Somaliland Religious Leaders National Strategic Advisory Group, ayaa si toos ah u hoos iman doonta Wasaaradda Diinta. Waana markii Koowaad ee Guddi noocan ah ay ku dhawaaqdo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, si xal loogu helo arrinkan.

Shirkan oo Lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay isugu yimaaddeen Culumo ka kala socotay Goballada kala duwan ee dalka, ayey Culimadu muddo laba cisho ah kaga doodayeen xal u helidda dhibaatooyinkaas iyo sidii bulshada looga wacyigelin lahaa caadooyinka aan shareeca da Islaamka waafaqsanayn iyo weliba hirgelinta guddigan Culimada ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo ugu horreyn ka hadlay kulankaasi, ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan noqotay in guddigan la sameeyo, waxaanu yidhi; “Wasaarad ahaan runtii dedaal badan baannu samaynay, waxaannu nahay wasaaraddii ugu horreysay ee soo saarta Fadwo cad oo runtii u hiilinaysa Hableheenna lagu dhibaateeyo gudniinka Fircooniga ah.”

“Walaallayaal waxaynu ognahay in lagu dhibaateeyo Hableheenna, iyadoo la leeyahay waa sunne, taas Culimo ahaan meel cad baynu ka istaagnay. Shirkeenna maanta soo gebogaboobay waxa ka soo baxay Guddi Qaran oo Somaliland Religious Leaders National Strategic Advisory Group (SAG) la yidhaahdo, oo ka shaqayn doonta hawshaas oo Wasiirku si rasmi ah ugu dhawaaqi doono.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Dhakhaatiirta iyo Masuuliyiinta Hay’adaha kala duwan ka socday ee Shirka ka qaybgalay, ayaa sheegey in Guddigani tahay mid muhiimaddeeda leh oo Qaranku aad ugu baahnaa, isla markaana waxay u rejeeyeen inay xal guul lagu gaadhi karo keeni doonaan.

Waxaa Xubnaa ka mid ahaa Drs, Edna Aadan Ismaaciil oo dhawr iyo afartankii sano ee u dambeeyey u ololaynaysay joojinta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, waxay tidhi; “Howshan la-dagaalanka Gudniinka Gabdhaha cidi namay soo farin, anigu umuliso ayaan ahay, 61-sanno ayaan dumarka ka dhalinayey, waxa I hor-fadhiyey qof dumar ah oo hilbaheedii cidhiidhi noqdeen oo ilmihii caloosheeda ku beermay uu soo bixi kari waayey oo uu siriray oo ay kalliftay inaanu jar-jarno si aanu u badbaadinno nafta halkaas ku sirirsan. Waxaynu noqotay wax aan maalin kasta toban jeer arko.”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo sharraxaya qorshaha Wasaaradda ee arrimahan la xidhiidhaa, waxa uu yidhi; “Anoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaa naga go’an la-dagaallanka Gudniinka Fircooniga ah iyo inaannu la shaqayno dhammaan qaybaha kala duwan ee ka shaqeeya arrinkan. Wasaarad ahaan waxaannu soo saarnay Fadwo la xidhiidha arrinkan, waxaanannu ku dedaali doonnaa inaannu hirgelinno aragtida lagu badbaadinayo Dumarkeenna iyo in la ilaaliyo sharafta iyo karaamada ay innu leeyihiin Muslim ahaan iyo qaran ahaanba sida ay Diinteennu innagu waajibisay.”

“Guddigan Culimada ah ee Sagaalka xubnood ahi, waxay nagala shaqayn doonaan ka fikirka iyo istaraatijiyadda lagaga guuri lahaa hawshan gudniinka oo sunnihiina la fahmi waayey, Fircooniguna magiciisuu raacoo waa shuqul shaydaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

“Waxa aan la wada-soconnaa inay dalka ka socdaan dedaallo badan oo muddo dheer jiray oo dhinacyo kala duwan ah kuwaas oo u baahan in la mideeyo, si isku mid ahna looga wada-shaqeeyo arrinkan.Laga bilaabo hadda, waxaanu ku dedaali doonnaa inaan mideyno aragtida ku aaddan iyo in culimadu si toos ah uga qayb-qaataan la-dagaalanka dhibaatooyinka uu keeno Gudniinkani,” ayuu yidhi Wasiirka Diintu.

Wasiir Khaliil Guddigan Somaliland Religious Leaders National Strategic Advisory Group (SAG) ee uu Magacaabay, waxay magacyadoodu u dhignaayeen sidan:- “

  • Sheekh Maxamed Cali Biixi oo Sanaag iyo Hargeysa deggan
  • Sheekh Cabdirisaaq Cali Xuseen (Albaani) oo Togdheer iyo Maroodi-jeex deggan
  • Sheekh Siciid Xuseen Diirye – Gobolka Maroodi-jeex
  • Sheekh Maxamed Macallin Aadan – Wasaaradda Diinta (Maroodi-jeex)
  • Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf Gobolka Saaxil
  • Sheekh Xaamud Nadiif Axmed Gobolka Awdal
  • Sheekh Cabdicasiis Xasan Faarax Iskuul
  • Sheekh Cabdillaahi Ibraahin Yuusuf Maroodi-jeex
  • Sheekh Cali Cabdillaahi Cilmi Maroodi-jeex.

 

Leave a Reply