Qore:Khadar.M.Dhako.
Hargaysa(Dawan):-Wasiirada Warfaafinta dhaqanka iyo wacy gelinta Salebaan Cli Koore Xannaanada Xoolaha iyo Hurumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed,ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Somaliland u leedahay in laga guuro xoolo raacato isla markaana loo gudbo Xoolo dhaqato taas oo ay ilmaameen in ay Somaliland ka dhigayso dal dadkiisu ay ku kalsoonaadaan xoolaha ALLE ku mannaystay isla markaana ay ay baahi badan oo jirta kaga bixi karaan suuqyada caalamkana kula tartami karaan dalalka xoolo dhaqatada leh.
Wasiirada oo ka qayb galay munaasibad lagu daah furayay ururka Geellayda Somaliland oo lagu qabtay tuulada Garabis oo caasimadda Hargeysa kaga beegan Koonfur,ayaa sidoo kale soo dhaweeyay ururka Geellayda ee lagu dhawaaqay kuna boorriyay bulshada xoolo raacatada ah in ay u gudubto xoolo dhaqato.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ka hadlayay horumarka xoolo dhaqatadu u leedahay nolosha dadka iyo sida loogu bahan yahay in Somaliland u guurto,aya yidhi. “Runtii waxay i xusuusinaysaa in Somaliland dib u dhaqato geela xaddaaradii aadamuhu soo maray waxa lagu tilmaami jiray ugaadhsato markii ku xigayna waa xoolo raacato markii ku xigtayna waa xoolo dhaqato marka ku xigtaana waa beeralay waxa la yidhaahdaa Soomaalidu Xoolo dhaqato ma gaadhin,waxay wali ku jirnaa Xoolo raacato waxa muuqata in ay bilow tahay hadda xoolo dhaqato ururkan geelayda ayaa ugu caansanaan doona Somaliland ee bilaabay Xoolo dhaqatada.,waana horumar loo baahan yahay in lagu baraarugo xoolo dhaqatonimadu taas oo ka horumarsan xooloo raacatonimada oo dheefteeda dhibteedu ka badan tahay.”.
Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed ayaa bulshada u soo jeediyay in ay wxooga aaminaan oo aanay u hanqal taagin wax aanay lahayn oo dal shisheeye ay ka sugaan,waxanu intaa raaciyay in loo baahan yahay in laga faa,iidaysto khayraadka ALLE innagu mannaystay oo ay ugu horreeyaan xoolaha nool.
Waxaanu yidhi. “ummadu hadday ku kalsoonaan waydo waxa ALLE siiyay oo ay u hanqal taagto wax aan waddankeeda ka bixin oon oollin baahi kama baxdo, waxa ay odhan jireen dadkeenii hore wankaa madaxa madaw ayay isku haystaan adduunyada oo dhammi Xoolaha waxa u qaalisan geela wax lagu kala samro oo nin boqolle ah oo la dilay lagu kala bogsado geel ayaa jira,markaa waxaaynu u haysanay cad iyo caano dhoofkii ayaynu baranay in aynu dibedda u iib gayno haddii aynu isku tashi galno beero hanoqoto ama geel Lo iyo adhiba hanoto wixii aynu haysano oo aynu kobcino oon adduunyada kula tartano wax badan ayaynu kaga kaaf toomaynaa.”.