Maxkamada Sare ee Somaliland oo Soo Gabo-gabaysey Dacwad Sotay 38 Sanno

0
447

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in ay soo gaba-gabeeyeen dacwad mudo 38-sano ka socotay maxkamaddaha dalka.

Taasi oo u dhaxeysay laba dhinac oo isku hayay, dhisme ku yaala bartamaha magaalada Hargeysa, waxaana kulankii natiijaddan lagaga dhawaaqay ku wehelineysay gudoomiyaha guddi dhex-dhexaadineysay oo uu isagu hore u diray, iyo labada dhinac ee dacwaddani u dhaxeysay.

Gudoomiye Aadan Xaaji Cali waxaa uu shaaca ka qaaday in gurigaasi ay ka qaadeen xayiraadii saarneyd islamarkaana uu fasaxan yahay lana iibinkaro.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dacwaddani muddo dheer ayay ka socotay maxkamadda dalka, marxaladdo kala duwana soo martay islamarkaana xita mararka qaarkood ay galleen golaha guurtiddu, ayaa maanta waxaa aanu ku soo afjarney sulux.

Dacwadda markan nuxurkeeda sheego waa guri ku yaala degmadda Gacan-libaax, waxaanu ku xiga Maskid-jaamaca weyn ee Hargeysa, dhinaca Koonfur galbeed ayuu ka xiga, afarta jihana wadooyin ayaa ka xiga, wajiyo badan ayay soo martay dacwaddiisu waxaanay soo bilaabantay 1982-dii, waa muddo dheer oo 40-sano ah.

Waxaanu u mahad naqayna in suluxi ay aqbaleen dhinacyaddu oo isu tanaasuleen, waxaa aanu iclaamineyna in maanta laga bilaabo gurigaasi iib u yaalo oo fasaxan yahay, xayirneyn leysku heysan dhammaaday”

Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Diir-qadhaadh kana mida labada qoys ee kiiska gurigani ka dhaxeeyay ayaa sheeegay in ay labadooduba ay tanaasuleen waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinaya arrinta inta badan soo jiitameysay dadkii soo dhiraan dhiriyey, ALLE haw naxariiste aabahey isaga oo arrintan in badan wada ayuu ku dhintay, annaga oo ah ilma Maxamuud Cabdilllaahi laga bilaabo maanta in iyaguna ay qayb qaataan annaguna aanu qayb qaadano, gurigiina uu sidaasi ku fasaxnaado sidaasina lagu iibiyo laguna fasaxo”

 

 

 

 

Leave a Reply